Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Image

Ufayn, Puntland – Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa saaka waaberigii weerar ballaaran ka bilaabay dhawr jiho oo ka mid ah deegaanka Togga Baallade ilaa togga Xabley ee degmada Ufayn, gobolka Bari, sida ay u xaqiijiyeen Garowe Online saraakiil ka tirsan hawlgalka Hillaac.

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah, kuwaasoo sida la sheegay ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu baacsanayo firxadka kooxda Daacich oo muddooyinkii dambe ku dhuumaaleysanayay buuraha gobolka.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay taliska booliska Puntland, hawlgalka ayaa maraya wejiyadiisii ugu dambeysay, waxaana soconaya diyaargarow jihooyin cusub ah si loo xaqiijiyo in kooxaha argagixisada ahi aysan helin fursad ay ku badbaadaan ama meel ay isku qarxiyaan.

“Shacabka Puntland waxa laga codsanayaa in ay feejignaadaan, maadaama ay suurtagal tahay in firxadka argagixisadu isku dayaan in ay bulshada ku dhex dhuuntaan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Booliska ayaa sidoo kale uga digay shacabka inay gacan siiyaan firxadka kooxda Daacish ama ay ka gaabiyaan la socodsiinta hay’adaha ammaanka ee ku sugan deegaannadooda, iyagoo ku booriyay dadka inay si dhow u eegaan cid kasta oo ku soo biirta deegaanka, gaar ahaan meelaha miyiga ah iyo magaalooyinka yar-yar.

Hawlgalka Hillaac ayaa u muuqda mid wajahaya heerkii ugu sarreeyay ee qorshihiisa militari, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda la gaaro natiijooyin cad-cad oo ku aaddan la dagaallanka kooxaha xagjirka ah ee ka dhuumaaleysanaya buuraleyda gobolka Bari.

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala soco Garowe Online.

Related Articles

Mungaab: Musuqmaasuq baahsan ayaa curyaamiyay Maamulka Gobolka Banaadir

Arrintan ayaa dhalisay baaqyo ku aaddan in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka shaqaalaha dowladda hoose.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 06:39AM

Kulankii Villa Somalia oo fashilmay iyo xiisadda siyaasadeed oo sii kordhaysa

Dhanka kale, Puntland iyo Jubaland ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    10-08-2025

  • 03:21PM