​Ciidanka dowladda Somalia oo la wareegay deegaanka Abaal

Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee dalka Somalia, ayaa sheegay in ciidanka dowladda Federaalka Somalia oo ku biiray dagaalka u dhaxeeya Sheekh Roobow Abuu Mansoor la wareegeen deegaanka Abaal oo horay fariisin u ahaa Roobow balse gacanta u galay xarakada Shabaab.

Ciidanka dowladda ayaa dagaal kula wareegay deegaankaas iyadoo hadda ay nawaaxigeeda ay ku suganyihiin xoogaga iska soo horjeeda ee kala taabacsan Al Shabaab iyo Roobow.

In ciidanka dowladdu la wareegeen goobtaas waxaa xaqiijiyay mas’uuliyiin katirsan kuwa dowladda Federaalka Somalia.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Abaal.

Majirto wax war rasmi ah oo ilaa hadda kasoo baxay saraakiisha ciidanka dowladda Federaalka Somalia, kaasoo khuseeya la wareegista deegaankaas.

Dowladda ayaa wada-hadal kula jirta Roobow kasoo laga saaray liiska Argagixisada Caalamka iyo waliba lacag madaxiisa la dul dhigay.

Arrintaas ayaa keentay in kooxda Al Shabaab weerar kusoo qaado isagoo kasoo goostay sannadkii 2013 wixii waqtigaas ka dambeeyayna ku sugnaa gobolka Bakool isagoo ay weheliyaan mallayshiyaad taabacsan.

Lama oga sida xaalku noqon doono balse deegaanka Abaal ayaa kacsan, waxaana laga dareemaya xiisad dagaal.

Dhawaan, waxaa mas’uulkaas la kulmay xubno katirsan maamulka Koonfur Galbeed kuwaasoo wada-hadal kula galay nawaaxiga deegaanka Abaal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM