Ciidanka oo guulo ka sheegtay duqeyn ka dhan ah AlShabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska ciidamadda Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay howlgal iyo duqeymo uu tibaaxay in lala beegsaday fariisimo ay maleyshiyadda Al-Shabaab ku leedahay gobolka Jubada Hoose ee maamulka Jubaland.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in weerarkaas dhanka cirka oo ka dhacay degaanka Buurta-kuubmo oo 22 KM u jira Jamaame lagu dilay 15 dagaalame oo ka tirsanaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacidda.

Sidda ku xusan bayaankan ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka ciidamadda, waxaa duqeynta lagu burburiyey xarumo tababaro oo Al-Shabaab lahayd.

"Horjoogeyaal ayaa kamid ah xubnaha lagu laayey duqeynta," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka oo aan lagu soo bandhigin magacyadda xubnahaas.

Marka laga soo tago sheegashadda ciidamadda Soomaaliya, ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya fahfaahinta ay ka bixiyeen duqeynta.

Dhanka kale, dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaan wali wax war ah kasoo saarin duqeyntaas oo talisku tibaaxay in shalay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka.

Mareykanka ayaa horaantii sanadkan 2020 wuxuu hoos-u-dhigay tiradda ciidamadda Mareykanka ee ka joogay Soomaaliya, wuxuuna u wareejiyay wadamadda Kenya iyo Jabuuti halkaasoo howlgalada dhanka cirka ah ay kasoo qaadayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM