Ciidanka oo guulo ka sheegtay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay howlgal ay Arbacada maanta ah ka fuliyeen duleedka koonfureed ee caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Taliska qeybta 21aad ee milatariga Soomaaliya oo xusay in ciidanka ka duulay tuulada Sinadhaqo ayaa ay guuleysteen gacan ku qabashada degaanada Labi-dulle iyo Dhabana-dhulkuheys.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay taliska qeybta 21aad, xoogaga Al-Shabaab ee gacansaarka la leh maleyshiyadda Al-Qaacida ayaa halkaas ka abaabuli jiray weerarada gaadmada.

"Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed oo howlgalka qaadey iyagoo xogo ka helay dadka shacabka ah waxay sidoo kale ay howlgalkaas ku dileen lix kamid ah argagixisada," ayaa la raaciyey bayaanka.

War-saxaafadeedka oo aan lagu soo hadal-qaadin waxyeeladda ciidamadda kasoo gaarey iska hor-imaadka ayaa intaas lagu daray in askarta ay howlgalka kusoo furteen saanad ciidan.

"Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed wuxuu sii wadayaa howlgalada lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah illaa raadka khawaariijta laga soo afjarayo," ayaa lagu soo xiray warka qoraalka ah.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan howlgalkan oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo aalaaba looga bartay in aysan ka hadlin dagaaladda khasaarahooda ku badan yahay.

Howlgalkan ay fuliyeen ciidamadda dowladda ayaa kusoo hagaagaya xilli dalku isku-diyaarinayo doorashooyin oo maamulada kaalintoodu tahay soo xulista xubnaha baarlamaanka todobaad ee labadiisa gole.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM