Ciidanka oo guulo ka sheegtey howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

Image
Dhaqdhaqaaqyadan milatari ayaa saacadihii lasoo dhaafay laga soo wariyey gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Milatariga Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtey howlgalo ka dhan maleyshiyaadka Al-Shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka sameeyeen gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Taliska Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in aroornimadii Arbacada maanta ah ay la wareegeen tuulooyinka Warkulan, Bakajeex, Gaaleef, Warciise, Qoordheere iyo Jilableey.

Tuulooyinkan oo u dhaxeeya magaalada Jowhar iyo degmada Raageceele ee gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa muhiim u ahaa isu-socodka argagixisada, sidda ay warisay warbaahinta dowladda.

Dhanka kale, kumaandooska Gorgor ayaa howgalo ay ka sameeyeen deegaanno u dhow Nuur Fanax ee gobolka Hiiraan waxay sheegeen in ay ku dileen todoba kamid ah argagixisadda.

"Howgalka kumaandooska xoogga dalka ayaa bar tilmaamadeeystay Maleeshiyaad si dhuumaaleysi ah ku yimaaday tuulooyin ku dhow deegaanka Nuur Fanax," ayay daabacdey wakaaladda wararka qaranka.

SONNA oo soo xiganaysa illo milatari ayaa hadalkeeda waxay intaas kusii dartey: "Ciidanka Xoogga Dalka ayaa halkaasi ku qaarijiyeen 7 dhagarqabe oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab".

Guud ahaan Soomaaliya, waxaa ka soconaya howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab kuwaasoo ay iska kaashanayaan dadka degaanka iyo ciidamadda iyaga oo taageero dhanka hawada ah ka helaya saaxiibada caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM