Ciidanka oo "soo furtey ganacsato u afduubnaa Al-Shabaab"

Image
Tani ayaa ka dambeysay kadib howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

AFGOOYE, Koonfur Galbeed - Ciidamadda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay sii daayaan ganacsato ay afduub ku haysatay Al-Shabaab, sidda ay ku warantey warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Warbaahinta qaranka oo soo xiganeysa qoraal kasoo baxay ciidamadda ayaa sheegtay in howlgalkan uu ka dhacay degaanka Basra iyo tuulooyin kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidda ku xusan warbixinta, inta uu howlgalka socdey ciidamadda ayaa sidoo kale waxay ku guuleysteen in ay dilaan "inta badan maleyshiyaadkii Al-Shabaab ee ku sugnaa degaankaas".

"Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee dowladda ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Basra iyo deegaano kale oo ku dhow dhow, kuwaasi oo maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab si dhuumaalaysi ah ay ciqaab iyo boob ugu gaysanayeen shacabka Soomaaliyeed," ayay tiri warbixinta.

Qoraalka ayaa intaas la raaciyey: "Ciidamada dowladda ayaa laayay inta badan maleeshiyaadkii Argagixisada ahaa ee halkaasi ku sugnaa iyo horjoogayaashii hoggaaminayay".

"Waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay maleeshiyaad Argagixiso ah," ayay tabisay warbaahinta dowladda soo xoogineysa saraakiil aysan magacaabin balse ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Ciidamada ayaa sidoo kale ku guulaystay inay sii daayaan dad shacab ah oo ganacsato ay ku jireen kuwaasi oo Argagixisadu si Afduub ah ay u haysteen".

Dhawaqan ayaa imaanaya xilli Al-Shabaab ay maalmihii lasoo dhaafay sarre u qaadey weeraradda ay ka fulineyso goboladda dalka iyo magaala madaxda Muqdisho kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM