Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Image

Doha, Qatar — Ra’iisul Wasaaraha Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al-Thani, ayaa Maanta kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha Somaliland, Abdirahman Maxamed Cabdillaahi Irro, oo booqasho ku jooga Doha.

Kulankan ayaa labada dhinac waxay kaga wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee Somaliland iyo horumarka ugu dambeeyay ee ka socda, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray taageerada dadaallada lagu doonayo in dib loogu billaabo wadahadallada maamulka Hargeysa la lahaa dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan, wada hadal furan iyo iskaashi dhismeed oo dhammaan qaybaha dalka ay ka wada qeyb qaataan, si loo ixtiraamo madaxbannaanida iyo midnimada Qaranka Federaalka Soomaaliya.

Qatar ayaa kamid ah dalalka Khaliijka ee saameynta siyaadeed ku leh dalka Soomaaliya, waxaana door wayn ku lahayd doorashooyinkii ugu dambeeyay.

Somaliland oo xiriir dhaw oo ganacsi kala dhaxeeya Imaaraadka oo maalgashi ku sameeyay dekadda Berbera, ayaa joojisay wadahadalladii dowladda Soomaaliya kadib booqashadii uu Ra'iisul Wasaare Xamse ku tagey Laascaanood bishii April 2025.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM