Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Image

Doha, Qatar — Ra’iisul Wasaaraha Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al-Thani, ayaa Maanta kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha Somaliland, Abdirahman Maxamed Cabdillaahi Irro, oo booqasho ku jooga Doha.

Kulankan ayaa labada dhinac waxay kaga wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee Somaliland iyo horumarka ugu dambeeyay ee ka socda, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray taageerada dadaallada lagu doonayo in dib loogu billaabo wadahadallada maamulka Hargeysa la lahaa dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan, wada hadal furan iyo iskaashi dhismeed oo dhammaan qaybaha dalka ay ka wada qeyb qaataan, si loo ixtiraamo madaxbannaanida iyo midnimada Qaranka Federaalka Soomaaliya.

Qatar ayaa kamid ah dalalka Khaliijka ee saameynta siyaadeed ku leh dalka Soomaaliya, waxaana door wayn ku lahayd doorashooyinkii ugu dambeeyay.

Somaliland oo xiriir dhaw oo ganacsi kala dhaxeeya Imaaraadka oo maalgashi ku sameeyay dekadda Berbera, ayaa joojisay wadahadalladii dowladda Soomaaliya kadib booqashadii uu Ra'iisul Wasaare Xamse ku tagey Laascaanood bishii April 2025.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM