Codsi ay Soomaaliya ugu biireyso Urur oo go’aan laga gaarayo

Image

KIGALI, Rwanda – Urur Goboleedka Bulshadda Bariga Afrika ee EAC ayaa shaaciyey in ay dib u eegis ku wadaan dalab ay dowladda Soomaaliya u soo gudbisay oo ku saabsan in ay kamid noqoto ururkaasi.

Madaxa Warbaahinta EAC oo la hadlay wargeyska News Times ayaa waxa uusan caddeynin goorta sida rasmiga ah loogu dhawaaqi doono in Soomaaliya loo ogolaadey xubinimada kutladaasi.

"Nidaamka waa uu socdaa. Ogolaanshiyaha waxaa loo eegayaa dhowr arrimood. Codsiga Soomaaliyana wuxuu ku jiraa kuwa kale oo aan go’aan ka gaareyno," ayuu yiri Nduhungirehe, Khamiistii.

Isaga oo sharaxaya qaabka ay u dhaceyso ogolaanshiyaha ayaa waxa uu tibaaxay: "Xogheynta ayaa marka hore eegaysa kadibna wasiirada. Markaasi guddiga sare ayaa go’aanka ugu dambeeya gaaraya".

Ururka Bulshadda Bariga oo ay haatan xubin ka yihiin dalalka Burundi, Kenya, Rwanda, South Sudan, Tanzania, iyo Uganda ayaa waxaa gudoomiye u ah Paul Kagame, madaxweynaha Rwanda.

AEC oo dhidibada loo teegay sanadku markuu ahaa 2000-kii ayaa waxaa xaruntiisu tahay magaaladda Arusha ee dalka Tanzania.

Sidda ku cad bogga rasmiga ah ee ururka, hadafyadda ugu waaweyn ee loo aas-aasey ayaa ah; si loo abuuro barwaaqo, tartan iyo xasilooni siyaasadeed oo mideysa wadamadda Bariga Afrika.

Soomaaliya oo ah dalka leh xeebta ugu dheer ee qaaradda Afrika ayaa in ay ku biirto ururkaasi waxay si rasmi ah u codsatay sanadkii 2018-kii kadib socdaal uu ra’iisul wasaare Khayre ku tegay Rwanda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM