Codsi ay Soomaaliya ugu biireyso Urur oo go’aan laga gaarayo

Image

KIGALI, Rwanda – Urur Goboleedka Bulshadda Bariga Afrika ee EAC ayaa shaaciyey in ay dib u eegis ku wadaan dalab ay dowladda Soomaaliya u soo gudbisay oo ku saabsan in ay kamid noqoto ururkaasi.

Madaxa Warbaahinta EAC oo la hadlay wargeyska News Times ayaa waxa uusan caddeynin goorta sida rasmiga ah loogu dhawaaqi doono in Soomaaliya loo ogolaadey xubinimada kutladaasi.

"Nidaamka waa uu socdaa. Ogolaanshiyaha waxaa loo eegayaa dhowr arrimood. Codsiga Soomaaliyana wuxuu ku jiraa kuwa kale oo aan go’aan ka gaareyno," ayuu yiri Nduhungirehe, Khamiistii.

Isaga oo sharaxaya qaabka ay u dhaceyso ogolaanshiyaha ayaa waxa uu tibaaxay: "Xogheynta ayaa marka hore eegaysa kadibna wasiirada. Markaasi guddiga sare ayaa go’aanka ugu dambeeya gaaraya".

Ururka Bulshadda Bariga oo ay haatan xubin ka yihiin dalalka Burundi, Kenya, Rwanda, South Sudan, Tanzania, iyo Uganda ayaa waxaa gudoomiye u ah Paul Kagame, madaxweynaha Rwanda.

AEC oo dhidibada loo teegay sanadku markuu ahaa 2000-kii ayaa waxaa xaruntiisu tahay magaaladda Arusha ee dalka Tanzania.

Sidda ku cad bogga rasmiga ah ee ururka, hadafyadda ugu waaweyn ee loo aas-aasey ayaa ah; si loo abuuro barwaaqo, tartan iyo xasilooni siyaasadeed oo mideysa wadamadda Bariga Afrika.

Soomaaliya oo ah dalka leh xeebta ugu dheer ee qaaradda Afrika ayaa in ay ku biirto ururkaasi waxay si rasmi ah u codsatay sanadkii 2018-kii kadib socdaal uu ra’iisul wasaare Khayre ku tegay Rwanda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM