​Cumar Cabdirashii oo ka hadlay Arrinta Qalbi Dhagax [Dhagayso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Ra'isal wasaarihii hore dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka hadlay waxa uu kala socdo heshiiska DFS u cuskatay dhiibista Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo ah sarkaal katirsan ururka ONLF.

Cumar Cabdirashiid oo sidoo kale kamid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee Dalka Soomaaliya ayaa waraysi uu siiyay VOA ku beeniyay in xukuumadiisii heshiis isdhaafsi maxaabiis ah la gashay dalka Ethiopia, isagoo carrabka ku dhuftay in arrinta loo nisbaynayo ay tahay mid ay wada galeen maamulka Galmudug iyo Ethiopia kasoo ku saabsanaa shaqaaqo ka dhacday xuduuda labada dhinac.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu tilmaamay in haba yaraatee shakhsi kamid ah wasiirradiisii uusan saxiixin heshiis lala galay dowladda Ethia, "“Haddii labo dal heshiis galayaan waxaa galaya Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, wax aan Gole Wasiiro looga doodin, Madaxweynaha saxiixin iyo Baarlamaanka la horkeenin wax sharciyad uu ka fadhiyo lama arko,” Ayuu yiri Cumar.

Sharmaaake, ayaa mar uu ka hadlayay in Sarkaalkaas uu waddanka Dambi galay islamarkaana uu kamid yahay ururka ONLF oo ah koox Argagixisa ah  sida DFS sheegtay ayuu xusay in arrinkaas caddayntiisa looga fadhiyo xukuumadda hadda jirta, isagoo waxaan la aqbali karin iyo khalad weyn ku tilmaamay in muwaadin Soomaaliyeed loo dhiibo dalka kale. Wuxuu taa badalkeeda sheegay inay dowladdu haysatay fursad kale oo ah in dambigiisa la baarto hadii uu ku cadaado dalka maxkamad lagu saaro.

Wuxuu difaacay ONLF oo uu sheegay inaysan adduunka meelna kaga jirin urur Argagixiso islamarkaana shakhsiyaad ku jiray ay ka shaqaystaan Maraykanka, "“Khalad weyn ayay aheyd dhiibistii Cabdikariin Qalbi Dhagax oo ah muwaadin Soomaali ah in loo gacan geliyo Itoobiya, ONLF meel kale adduunka ay Argagixiso ka yihiin ma jirto, Mareykanka ayay joogaan iyo meelo kale,” Ayuu yiri Mudane CCC.

Wuxuu sidoo kale mas'uulkan qiray in Qalbi Dhagax muddo ku sugnaa dalka Soomaaliya islamarkaana ay ka warhaysay xukuumaddii uu hogaaminay isagoo tilmaamay inuu u arkaysay muwaadin waddankiisa jooga.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli dowladda Soomaaliya aad loogu dhaleecaynayo arrinta Qalbi Dhagax, waloow ay sheegtay in Sarkaalkaas uu falal amni darro kawaday Soomaaliya sidoo kalena uu jiro heshiis ay saxiixday dowladda hore oo dhigayay in maxaabiis la is dhaafsado.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM