Cunaqabateyn lagu rogay "shabakada" hubka ee ISIL-Somalia

Image
Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa soo bandhigtey magacyada "horjoogeyaashan" lagu daray liiska madow.

NEW YORK, USA - Mareykanka ayaa Talaadada maanta ah wuxuu soo saaray cunaqabateyn ka dhan ah garabka ISIL ee Soomaaliya, isagoo u liiska madow ku daray maleyshiyad ka tirsan kooxda iyo horjoogeyaal kale oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin "shabakad hubka si suuq madow ah ugu iibisa argagixisada" Bariga Afrika.

War qoraal ah oo ka soo baxay Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in dhowr ka mid ah shaqsiyaadka la cunaqabateeyay ay hub ka iibiyeen ama ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda labo gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay afaafka hore ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Sabti, Oktoobar 29, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 120 qof waana qaraxyadii ugu khasaaraha badnaa tan iyo markii gaari xamuul ah uu ku dilay in ka badan 500 oo qof isla goobtaas shan sano ka hor.

Tallaabada Washington ayaa imaaneysa iyadoo Washington ay dooneyso inay kordhiso beegsiga iyo carqaladeynta shabakadaha maalgelinta "argagixisada" ee Afrika, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maaliyadda.

Iyadoo tallabada Talaadada ay tahay tii ugu horeysay ee ka soo baxda Hanti dhowrka ee lagu beegsanayo ISIL ee Soomaaliya, sarkaalka ayaa sheegay in tillaabo dheeri ah la filayo toddobaadyada soo socda.

Sannadkii 2018-kii, Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa kooxda ISIL ee Soomaaliya u aqoonsatay “Argagixiso caalami ah oo si gaar ah loo asteeyey”.

Dadka xayiraada lagu soo rogay Talaadadii waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Maxamed Cumar, oo ay Hanti-dhowrku ku eedeysay inuu xubin ka yahay ISIL ee Soomaaliya iyo, ilaa 2020, loona aqoonsaday inuu yahay midka "ugu dhagarta badan" ee hubka sharci darrada ah kasoo dajiya xeebaha Puntland ee sOOMAALIYA.

Sidoo kale, waxaa la beegsaday Ciise Maxamuud Yuusuf, oo ISIL-Somalia u fududeeya hubka iyo saadka ee dhanka gobolka Bari ee Puntland, Cabdiraxmaan Faahiye, Ciise Maxamuud, oo lagu sheegay Amiirka Daacish-Soomaaliya; iyo Maxamed Axmed Qahiye, oo uu Hanti-dhowrku ku sheeg madaxa Amniyaadka Daacish-Soomaaliya.

Shaqsiyaadka kale ee liiska ku jira ayaa kala ah; Liibaan Yuusuf Maxamed, xubin hore Amniyaata Al-Shabaab haddana ka tirsan Daacish una qaabilsan dhaqida lacagaha, Mahad Ciise Aadan oo 2015 ilaa 2020 dhaqay 800,000 oo dollar iyo Osama Abdelmongy Abdalla Barr oo qaabilsan Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee dadka Kuuriya.

GAROWE ONLNE

Related Articles

James Swan oo mar kale loo magacaabay ergayga UN-ka ee Soomaaliya

Mr Swan ayaa badalaya Catriona Laing oo ay dhowaan cabasho uu ka gudbiyey maamulka Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 01:21AM

Jawiga uu maanta ku furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka kulankan isha lagu hayo.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 03:59PM