Dabkii Kismaayo oo dibada usoo saaray daldaloolo is-dulsaaran

Image
Dadka magaalada ayaa gacmaha ula tagay dabka, iyaga oo ku daminayay carro iyo biyo, hawshaas oo socotay muddo saacad ka badan.

KISMAAYO, Jubaland - Waxaa lagu guuleystay in la damiyo dab weyn oo ka kacay suuqa shidaalka ee magaalada Kismaayo kadib markii saacado ay la hardamayeen dadka deegaanka, ciidamada iyo kooxaha dab damiska.

Dadka magaalada ayaa gacmaha ula tagay dabka, iyaga oo ku daminayay carro iyo biyo, hawshaas oo socotay muddo saacad ka badan. Dab damiskii magaalada ayaa goobta dabka yimid saacad kadib sababo aanan illaa hadda la sharixin.

Sidaas oo ay tahay waxay dadka aad u boggaadiyeen ciidamada booliiska iyo kuwa nabad suggida oo gacmaha ula tagay dabka, bixiyayna dedaalkii ugu badnaa xilli magaalada ay ku jirto heegan weeraro ay argagixisada ka gaysanayaan qeybo ka mid ah dalka.

Muddo badan ayaa laga digayay goobaha shidaalka iyo meheradaha cuntada ee dabka laga shido ee isku ag dhow, waxaana xitaa mar diginin kasoo saartay wasaaradda batroolka Jubbaland, digniintaasi oo aanan la fulin.

Waxyaabaha dabka uga sii daray ayaa waxaa ka mid ah shirkadda korontada magaalada oo durba damin weysay korontadii ku jirtay ganacsiyadii gubanayay, taas oo laga yaabo in ay dabka sii badisay, mise markii horeba uu ka dhashay.

Dab damiska dowladda hoose ee soo daahay ayaa laftiisa aanan yeelan awood fiican oo uu dabka intaas la eg ku damiyo, waxaana dhacday in la woco dab damiskii ciidamada ATMIS ee garoonka Kismaayo oo magaalada u jira qiyaastii 10 kiilo mitir.

Waxaa aad looga baqdin qabay in uu dabka gaaro qeybaha isku raranta ah ee suuqa, taas oo haddii ay dhici lahayd ay noqon lahayd musiibo aad u weyn oo ay adagtahay in ay magaalada kasoo kabato. Suuqaasi ma lahan dariiq uu maro gaadiidka dabka, iyo qaab loo damin karo.

Si kastaba, dabka dhacay ayaa dibada usoo saaray caqabadaha tirada badan ee is dulsaaran iyo sida magaaladan ay markasta halista ugu jirto qasaare baaxadiisu weyntahay haddii aanan degdeg wax looga qaban waxyaabaha qaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Mucaaradka la Kulmay Kadib Cadaadiska Beesha Caalamka

Madaxweynaha Xasan Sheekh, oo hore loogu dhaleeceeyay mowqifkiisa adag, ayaa la sheegay inuu jilciyay aragtidiisa.

  • Soomaliya

    25-06-2025

  • 09:38AM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa, lana kulmaya Mucaaradka 

Kulanka ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hab-raaca doorashada 2026.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 12:52PM