Dad kusoo dhaawacmay dagaalka Dhumay oo Muqdisho la keenay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad siday 22 qof oo kamid ah dadka ku dhaawamay dagaal beeleedka Dhumay ayaa kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar sii horeysay u dirtay gobolka Sool diyaarad sida deeq daawooyin ah si wax loogu qabto dadka wax ku noqday colaad dib uga soo cusboonaatay tuulada Dhumay, oo 30-KM u jirta Laascaanood.

Xilldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wasiiro heer Federaal ah ayaa qayb ka ahaa wafdiga diyaaradda ku wehlinayey socdaalkeeda Woqooyiga dalka, kuwaasi oo uu hogaaminayay Wasiirka kaluuumaysiga Soomaaliya, Cabdulaahi Bidhaan.

Illo xog ogaal ah ayaa u sheegay warsidaha GO in dhaawacyadda laga soo qaaday magaalooyinka Garoowe iyo Galkacayo, halkaasi oo markii hore la keenay maalin kadib markii uu dagaalka qarxay.

Inta la xaqiijiyay 50 ruux oo dhinacyadda dagaalamay ah iyo shacab, ayaa ku geeriyootay iska hor-imaadka, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen dagaalka oo salka ku hayo dhul ay beelaha walaalaha ah isku haystaan.

Baaqyo nabadeed oo dhawaq culus wata ayaa uga yimid beelaha ku dagaalamaya Dhumay dhinaca dowladda Federaalka, maamulada Puntland iyo Somaliland iyo qaybaha kala duwan ee Bulshadda, kuwaasi oo ku baaqey in la joojiyo colaadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM