Dadka ku nool Soomaaliya oo 50% aan haysan Koronto ku-filan

Image

DARUSALAM - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey Shirweynaha Tamarta Afrika ayaa soo bandhigay qorshaha dowladda Soomaaliya ee kordhinta tayada iyo awoodda Tamarta, taas oo aasaas u ah horumarka iyo isbeddelka Soomaaliya casri ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaanay in Soomaaliya ay leedahay khayraad badan oo la xiriira cusboonaysiinta Tamarta, sida Qorraxda iyo Dabaylaha, kuwaasi oo Mustaqbalka noqon kara ilo muhiim ah oo laga dhaliyo Tamar saaxiib la ah deegaanka.

"Horumarka Soomaaliya ay hiigsanayso waxa uu u baahan yahay tamar jaban oo la heli karo. Maanta dadkayagu kala bar "50%"ma haystaan Koronto ku filan, sidaas awgeed waxaan qorshaynaynaa in aan xoojinno maalgashiga Tamarta, si aan awood ugu yeellano hirgelinta warshadaha, casriyeynta kaabeyaasha nolasha iyo xoojinta adeegyada bulshada".

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirkan ay ku wehelinayaan Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Cabdillahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige ayaa u soo bandhigay Daneeyeyaasha caalamiga ah in ay ka qayb qaataan maalgashiga Mashaariicda Tamarta Soomaaliya oo ah suuq weyn oo dihan.

Sidoo kale, Shir madaxeedka Tamarta Afrika oo ay ka qeyb galeen madaxda Qaaradda Afrika ayaa maanta laga soo saaray “Bayaanka Daaru-Salaam”, kaas oo ah ballanqaad lagu xaqiijinayo in 300 oo Milyan oo Afrikaan ah ay helaan Koronto ku filan marka la gaaro sanadka 2030.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM