Dagaal culus oo ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Bay [Fahfaahin]
Diinsoor, Soomaaliya – Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay, 21 kalena waa ku dhaawacmeen dagaal culus oo toddobaadkii hore ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Bay, taas oo hoos timaada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil amni.
Dagaalka oo billowday Talaadadii hore ayaa u dhexeeyay maleeshiyaad hubeysan oo ka kala tirsan laba beelood oo deegaanka ah, waxaana uu dagaalku markii dambe ka faafay tuulooyinka ku hareeraysan magaalada, sida ay xaqiijiyeen ilo amni.
Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalka uu markii hore ka qarxay tuulooyinka Gurban, Yaaq Barawe, iyo Rahoole, balse uu hadda ku fiday bartamaha degmada Diinsoor.
Taliyaha Booliska Milateriga Soomaaliya, Maxamed Aadan Nuur, ayaa sheegay in dagaalku hadda gaadhay xaafado ay dad rayid ah deggan yihiin, taas oo keentay cabsi ku saabsan khasaaro kale oo soo gaadha dadka shacabka ah.
“Dagaal beeleed ayaa hadda ka socda degmada Diinsoor, waxaana is-haya maleeshiyaad ka kala tirsan laba beelood oo deegaanka ah. Waxaan helnay warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in hub laga keenay deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab lagu soo galiyay magaalada,” ayuu yiri Taliye Nuur.
Wararka deegaanka ayaa tilmaamaya in beelaha dagaallamaya ay yihiin Geeledle iyo Dabarre, oo labaduba ku nool gudaha iyo agagaarka degmada Diinsoor.
Degmada Diinsoor ayaa horey ugu jirtay go’doon qayb ah oo ay saareen dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) iyo kuwa Itoobiya ee hoos taga howlgalka Midowga Afrika.
Goobjoogayaal iyo odayaal deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay dhacdooyin kufsi ah oo ay geysteen maleeshiyaad deegaanka ah.
Warbixinaha hordhaca ah ayaa muujinaya in rabshaddu ay bilaabatay kadib markii haweeney lagu kufsaday meel duleedka Diinsoor ah, taas oo si daran ugu dhaawacantay.
Maleeshiyaad ka tirsan beesha kale ayaa falkaas uga jawaabay iyagoo weeraray laba haween ah, taas oo sababtay in xiisaddii isu beddesho dagaal fool-ka-fool ah.
Dadka deegaanka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa sheegay in kufsiyada iyo tacaddiyada loo geysto haweenka ay sii kordhayaan meelaha ay dagaalladu ka socdaan ee Koonfurta Soomaaliya.
Ururrada xuquuqul insaanka ayaa marar badan ku baaqay in la qaado tallaabooyin adag oo lagu ilaaliyo shacabka laguna maxkamadeeyo kuwa geysta dambiyada galmada.
Maamulka Koonfur Galbeed weli kama hadlin dagaalka ka socda Diinsoor, taas oo keentay walaac iyo cabsi ay muujiyeen dadka deegaanka iyo siyaasiyiinta gobolku.
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay joojiyaan colaadda oo ay ku dhaqaaqaan wadahadal iyo dib u heshiisiin.
Xildhibaan Xasan Carte oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa cambaareeyay dagaalka, isagoo ku baaqay in si degdeg ah loo sameeyo dadaallo nabadeed.
“Waxaan ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee dagaalamaya inay si degdeg ah u joojiyaan dhiigga daadanaya, loona istaago wadahadal iyo isu soo dhowaansho,” ayuu yiri Xildhibaan Carte.
GAROWE ONLINE