Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed
BAYDHABO – Waxaa sii xoogeysanaya xiisadda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan magaalada Baydhabo, iyadoo Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), uu wajahayo caqabado la xiriira hogaaminta maamulka cusub ee laga dhisay Koonfur Galbeed.
Xalay fiidkii, ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa weerar ku qaaday magaalada, iyagoo la wareegay qeybo ka mid ah Baydhabo, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaasi.
Iska horimaadkan ayaa qeyb ka ah dagaallo iyo iska horimaadyo soo noqnoqday oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Baydhabo, kuwaas oo sii xumeeyay xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee gobolka Baay.
Maamulka cusub ee ay taageerto Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu hoggaaminayo Aadan Madoobe, ayaa weli wajahaya caqabado ku aaddan sidii uu u heli lahaa kalsoonida shacabka deegaanka, una hanan lahaa amniga Baydhabo, isagoo haysan wax Ciidan ah oo leedahay KG.
Ciidamadii Daraawiishta Koonfur Galbeed loo tababaray waxay raaceen Lafta-Gareen, kuwaasoo hadda isku dayaya inay Baydhabo dib ula wareegaan, iyagoo saldhigyo ka sameystay meel ku dhaw magaaladda.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo waxgaradka ayaa dhaliilay maamulka cusub, iyagoo ku eedeeyay inuu ku yimid awood dowladeed halkii uu ka noqon lahaa mid ka dhashay rabitaanka bulshada. Waxay sidoo kale sheegeen inay jiraan cabashooyin la xiriira caddaalad darrada dhanka awood-qaybsiga iyo sida loo qeybiyay xilalka maamulka, taas oo, sida ay hadalka u dhigeen, sababtay in beelo ka tirsan deegaanka ay dareemaan in laga takooray.
Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qaar ka mid ah dadka rayidka ah ay bilaabeen inay ka barakacaan xaafadaha ay isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac.
GAROWE ONLINE