Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo oo u dhexeeyay ciidanka DFS iyo kuwo taabacsan Laftagareen

Image

BAYDHABO — Dagaal ayaa ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, kadib markii ciidamo taabacsan hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo amni iyo dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadka uu billowday kadib weerar ay qaadeen ciidamada taageersan Laftagareen, taasoo sare u qaaday xiisadda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan gobolka.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, iyadoo sidoo kale aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka Koonfur Galbeed.

Xaaladda magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku dhow ayaa weli kacsan, iyadoo dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan in dagaalladu sii fidaan.

Laftagareen ayaa xilka laga tuurey 30-kii Maarso 2026, kadib toddobaadyo ay jireen ismariwaayo siyaasadeed iyo isku hor imaadyo militari oo u dhexeeyay isaga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xiisadda ayaa markaas ka dhalatay muran la xiriiray doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

Lafta-Gareen oo hadda ku sugan Kenya ayaa sheegay inuu wali yahay Madaxweynaha sharciga ee Koonfur Galbeed, isagoo wacad ku maray inuu dib ugu laabanayo Baydhabo, wuxuuna Ciidamo ku aruursanayaa duleedka Magaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM