Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MOGADISHU, Soomaaliya – Saddex dhalinyaro ah ayaa ku dhimatay, tiro kalena waa ku dhaawacmeen, iska horimaadyo rabshado wata oo ka dhacay xaafadda Tarabunka ee magaalada Muqdisho Khamiistii, kadib markii ciidamada ammaanka iyo dad deegaanka ahi isku dhaceen, sida ay sheegeen masuuliyiin iyo goobjoogeyaal.

Dagaalka ayaa billowday kadib markii dowladda ay amartay in la burburiyo guryo dad shacab ah degan yihiin, iyadoo aan la bixin wax faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababta. Dadka deegaanka ayaa ka horyimid burburinta, waxayna dagaal la galeen Ciidanka dowladda xalay saqdii dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay adeegsadeen hub culus, waxaana muuqaal la helay muujinayaa ciidamo ridaya qori lidka diyaaradaha oo saaran gaari dagaal, iyagoo beegsanaya dhanka guryaha dad rayid ah. Inta la og yahay, dhowr qof ayaa si xun ugu dhaawacmay rasaasta, waxaana la geeyay isbitaalada Digfeer iyo kuwa kale oo ku yaalla caasimadda.

Dadka deegaanka ayaa ka baqdin qaba in dhulka la burburinayo laga iibiyo ganacsato taajiriin ah oo xiriir dhaw la leh madaxda sare ee dowladda, gaar ahaan xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaa soo baxaya eedeymo badan oo sheegaya in xukuumadda hadda jirta ay si sharci darro ah dad badan uga qaaday dhulkooda, iyadoo adeegsaneysa kooxo musuqmaasuq ku lug leh.

Dhanka kale, muuqaalada la helay ayaa muujinaya ciidamada dowladda oo ku sii siqaya aagga dagaalka ee gudaha Muqdisho, halkaas oo ay si adag isaga hor yimaadeen ciidamada iyo shacabka kasoo horjeeda burburinta guryahooda. Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa sidoo kale la sheegay in ay dhaawacyo culus kasoo gaareen iska horimaadyada.

Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib loo doortay 2022, waxaa sii kordhay kiisaska ku saabsan dhul boobka, iyadoo falanqeeyayaashu ay ku eedeeyeen dowladda in ay adeegsanayso habab aan sharci ahayn si ay dad rayid ah uga saarto dhulkooda. Dowladda ayaa sidoo kale wajahaysa caqabado amni iyo xaalad siyaasadeed oo adag iyadoo doorashooyinka 2026 ay soo dhow yihiin.

– Garowe Online

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM