Dagaal U Dhexeya Ciidamada DFS iyo Jubbaland oo Ka Qarxay Baardheere, Gedo

Image

BAARDHEERE, Soomaaliya – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeya ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo kuwa Jubbaland, oo saaka aroortii ka bilowday degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dagaalkan ayaa ku bilowday weerar ay soo qaadeen Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay saldhigga booliska iyo xarunta maamulka degmada Baardheere, waxaana la xaqiijiyey in uu ku geeriyoodey Maxamed Ilyaas Caagane, oo dhowaan DFS u soo magacawday guddoomiyaha dhanka arrimaha bulshadda ee degmada Baardheere.

Ciidamada dowladda ayaa lagu soo waramay in laga saarey magaaladda, islamarkaana laga dilay dhowr askar, iyadoo Jubaland ay xoojisay amniga iyo gacant ku heynta maamulka.

Dagaalka saaka ayaa sidoo kale sababay khasaare kala duwan, iyadoo la tilmaamay in xaaladda amni ee degmada Baardheere ay kacsantahay, oo labada dhinac ee dagaalamaya ay ku dagaalamayaan gacan ku haynta maamulka degmada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay sii adkeeyso gacan ku haynta Baardheere si ay qeyb uga noqoto qorsheheeda doorashooyinka khilaafka uu taagan yahay ee qof iyo codka.

Jubbaland, dhanka kale, ayaa sidoo kale waddo abaabul ay ku doonayso inay dib u qabsato deegaamada gacanteeda ka maqan ee gobolka Gedo.

Xaaladda amni ee Baardheere ayaa sii adkaanaysa, iyadoo dagaalka iyo muranka siyaasadeed ee ka jira gobolka Gedo uu keeni karo saameyn ballaaran oo ku saabsan nabadgelyada iyo xasiloonida dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM