Danjiraha cusub ee Midowga Yurub oo gaarey Muqdisho

Image

MOGADISHU, Soomaaliya – Danjiraha cusub ee Midowga Yurub ayaa nuqulo kamida waraaqihiisa safiirnimo ku wareejiyay wasiirka arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad markii uu ku booqday xafiiskiisa Muqdisho, Isniinta maanta ah.

Intii lagu guda jira kulanka, Cawad ayaa muujiyey qanaan-sanaanta iyo farxad ku aadan cilaaqaadka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, isaga oo ka mahad-celiyey doorka EU-da ee mashaariicda dib u dhiska ee ay ka fuliyaan waddanka.

Dhanka kale, wasaaradda ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in wasiirka iyo ergayga reer Yurub ay is-dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan fulinta heshiisyadii horey ee labada dhinac iyo in dib u eegis lagu sameeyo gebigooda.

Cawad ayaa carabka ku adkeeyay in EU-da ay tahay mid kamida saaxiibada caalamiga ah ee ugu muhiimsan kuwaasoo dalka Geeska Afrika ka fuliya mashaariicyo dadka ay si wacan uga faa’ideystaan.

Safiirka, Nicolás Berlanga Martinez oo la kulmay madaxweyne Farmaajo ayaa si lamida u gudbiyey nuqulo kamida waraaqihiisa safiirnimo, waxayna adkeeyeen xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo ururka uu wakiilka u yahay.

Sanadkii hore, ururkani ayaa waxa uu dowlada Soomaaliya ugu deeqay 111 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah taasoo loogu talogalay dakhliga xukuumada, muddo laba sano iyo bar ah.

Horaantii bishan, Midowga Yurub waxa uu balanqaaday in uu sii wadayo taageerada howlgalka AMISOM iyo fulinta qorsheyaasha kala guurka ee bixitaanka xoogaga Afrikaanka ah.

Qorshaha kala guurka Soomaaliya ayaa waxaa ujeedkiisu yahay in ciidamada Soomaaliya ay mas'uuliyadda amaanka dalka kala wareegaan AMISOM dhamaadka sanadka 2020-21.

AMISOM oo la aas-aasey 2007-dii ayaa waxaa uu noqday howlgalkii ugu waqtiga dheeraa qaaradda Afrika ee nabadeyn wallow aysan soo hoyn wax guulo oo la taaban karo dhanka Al-Shabaab.

Midowga Yurub ayaa taageero maaliyadeed siiya ciidamada milatariga iyo kuwa booliska AMISOM, xili beesha caalamka ay bixiso mushaharka shaqaalaha maxaliga ah iyo ka howlgala xeebaha.

Martinez oo xilal kala duwan u soo qabtay Midowga Yurub ayaa waxa uu u dhashay dalka Spain. Meelaha uu wakiilka uga soo noqday EU-da waxaa kamida wadanka Togo ee Galbeedka qaaradda Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM