Degaan doorashada labaad ee Jubaland oo la badalay

Image
Talaabadan ayaa waxaa la sheegay in ay salka ku hayso caqabado dhanka ammaanka ah.

KISMAAYO, Jubaland - Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal FEIT ayaa deegaan doorashada 2aad ee Jubbaland u badalay Ceelwaaq, sida ku xusan qoraal kasoo baxay guddiga.

Sida ku xusan war-saxaafadeedka, talaabadan ayaa waxay salka ku haysaa caqabado dhanka ammaanka ah oo ku hor-gudban in coddeynta ay ka dhacdo magaalada Garbahaarey.

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Mohamed Hussein Roble ayaa taageeray go'aanka guddiga doorashooyinka heer federaal ee degaan doorashadda labaad ee Jubaland.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble isagoo tixgalinaya xaqa matalaadda dadka Gobolka Gedo iyo ahmiyadda dhammaystirka doorashada wuxuu bogaadinayaa soona dhaweynayaa go’aanka Guddiga Doorashooyinka FEIT ee ku aaddan deegaan doorashada 2aad ee Jubaland," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku boorrinayaa Guddiga Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland in ay si dhaqso ah u soo dhammaystiraan kuraasta dhiman".

Isaga oo ka hadlaya munaasabadda dhaarinta, Rooble ayaa yiri: "Waxa xusid mudan in aan wajahnay caqabado aad u badan oo ahaa isku dayo lagu joojinayo in la so gaaro marxadaldan aan maants joogno".

Baarlamaanka 11aad ayaa Khamiista maanta ah waxaa lagu dhaariyey Muqdisho iskana dhex-doortey guddoon ku meelgaar ah waxaana la filayaa in Sabtida ay yeeshaan fadhigoodii ugu horeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM