Deni: Bulshada caalamka shisheeye ma ahan anagaa ka tirsan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda waqtiga ka dhamaadey ee federaalka waxay diidan yihiin laba qodob oo bud-dhig u ah soo afjarida is-mari-waaga doorashooyinka, sida uu ka dhawaajiyey madaxwayne Deni.

Qodobadaas ayaa, sida uu shaaciyey hogaamiyaha Puntland, waxay kala yihiin; in wadahadalada kasoo muuqdaan madaxwayneyaashii hore iyo wakiiladda Beesha Caalamka.

"In ay yimaadaan oo la dhageysto [Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud] waxay daawo u noqon lahayd in ay noqoto kulankii ugu horeeyay oo la isku arkayo," ayuu Deni ku daray.

Beesha Caalamka oo qaban-qaabisay shirarkii horudhaca ahaa ee ku qabsoomay Afasiyooni ayuu carabka ku dhuftay "in ay ku dhex-wareertay" arrimaha Soomaalida iyo muranka doorashooyinka.

Deni oo u waramay telefishinka Dalsan ayaa daaha ka rogay in ay qodobadaas u doonayaa in la helo goobjoogeyaal ka madax-banaan dhinacyada hadlaya si dooda ay noqoto mid aad u daahfuran.

Kalsooni darro ayuu tibaaxay in ay ka qabaan in madaxda dowlada federaalka daacad ka yihiin wadaxaajoodka "maadaama horey idaacadaha laga sheegay waxyaabo aan ahayn kuwa laga wada shiray".

"Sababta ay ayaga u diidayaan in dhinacyadaas kasoo qeybgalaan shirka ayaga ayaa sheegi doona," ayuu xusay. "Dadka Soomaaliyeed waa in ay ogaadaan ururada Beesha Caalamka sidda UN-ka iyo Midowga Afrika xubin baan ka nahay".

Wuxuu intaas raaciyey: "Shaqada ay hayaan waa tii ay noo haayeen dunida oo dhanna u hayeen. Siyaasada marnaba la alifaayo ee laga dhigaayo dad shisheeye ma ahan mid sax ah, dadka Soomaaliyeedna in lagu marin-habaabiyo sax ma ahan".

"Bulshada Caalamka ayaan ka tirsanahay dad ma fuuqan oo meel gaar ah degan ma nihin, waliba anagaa ugu baahi badan," ayuu carabka ku dhuftay Deni oo u muuqdey mid ka jawaabaya ololaha ay Villa Soomaaliya kawado warbaahinta ee ay uga hortageyso faragelin toos ah oo Beesha Caalamka ku sameyso xalinta khilaafka doorashada.

Ku dhowaad todobadii bilood ee lasoo dhaafay, Soomaaliya ayaa dhexda kaga jirta qalalaase dastuuri ah iyo hubanti la'aan dhanka doorashooyin iyo kala guurka uu noqon doono mid si nabad ah looga talaabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM