Deni: Mala isaga harayo in Dubbe Shabaab nagu sifeeyo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha dowlada Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag wuxuu u cambaareeyay dhawaqii dhowaan kasoo yeeray wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta ah Cismaan Abuukar Dubbe.

Dubbe oo Arbacadii asbuucan kasoo muuqdey muuqaal horey loosii duubay ayaa daaha ka rogay in sheegay in uu fashilmay shirkii Afasiyooni, isaga oo madaxda Puntland iyo Jubaland ku sifeeyay "jid iyo jiha-diid aan doorasho ogoleyn".

"Jid iyo Jiha-diid" waxay ahayd kalmad uu asal ahaan leeyahay una muuqato in laga soo xigtey taliye ku xigeenkii ciidamadda Jeneraal Cabdikariim Dhegobadan, wuxuuna ku sharaxay dabacsanaanta iyo daneynta la'aanta Al-Shabaab.

Deni oo nasiib darro weyn ku tilmaamay in kalmadaas loo adeegsado ayaa hoosta ka xariiqay "in aan la isaga hari doonin" balse ma xusin talaabada ay qaadayaan.

"Walaahi eraygaas jid iyo jiha-diid ah waxyaabaha aan sheegaayey ee cabsida abuureysa qeyb kamid ah waaye. Aniga waxaan u dhadhansanayaan dhiigiinaa baneysaneynaa macnaheedu waaye. Maxaa yeelay waa kalmadihii Shabaabka [ururka argagxisiada] lagu yaqaanay. Marka in annaga Shabaab nagula sifeeyo oo uu wasiir Dubbe yiraahdo, runtii arrin la isaga hari doono ma ahan. Qoraalkana way ku taalay dowladda federaalka ahina way xigatay. Fahamka uu bixinayo erayga waa macno khatar ah," ayuu u sheegay barnaamijka Awooda 5aad ee Dalsan Tv.

Isla wareysiga oo horudhiciisa lasii daayey, Deni ayaa carabka ku adkeeyay in aysan ogeyn shir burburay, wuxuuna caddeeyay in ay diyaar u yihiin ka qeybgalka wadaxaajoodyadda oo la filayo in ay kasii socdaan Teendhadada Afasiyooni.

"Style-kii Axmed Godane"

Senator Ilyaas Cali Xasan, mudane ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo kamid ah dhinacyda ka falceliyey dhawaqa Dubbe, ayaa ku sifeeyay "style-kii Axmed Godane".

Godane, oo kamid ahaa aas-aasayaasha Al-Shabaab, ayaa September, 2014-kii waxaa duqeyn dhanka cirka ah ku dilay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda Mareykanka.

"Dube Style kii Ahmed Godane ee cajaladaha lasii duubi jirey kahor howlgalada ay fulinaayaan Al-Shabaabka, isagoo casri ah oo Dowladeysan ayuu layimid marba hadii uu 4tii bisha sii duubtey warka uu 7da bisha oo maanta ah lasoo daayey, taasna waxay cadeyn utahay cida diidan heshiis doorasho," ayuu ku daabacay bartiisa Facebook.

Sidda ay sheegayaan warar aan la xaqiijin, muuqaalka Dubbe ayaa lagu waramay in la duubay 4-tii April ee sanadkan 2021. Dowladda federaalka ah ayaan wali ka jawaabin sheegashooyinka la xiriira muuqaalka.

Kulankan oo xalka loogu goobayo is-mari-waaga doorashooyinka Soomaaliya ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan dib-u-bilowdo kadib markii dhinaca shirka ka baxay ee maamulka Farmaajo uu cadaadis culus kaga yimid Beesha Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo qarax lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 06:36PM

Mareykanka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex-dilaacay taliska Danab

Washington ayaa hakisay qaar kamid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay dowladda Soomaaliya sanadkii 2017.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:39AM