Deni oo su'aal geliyey qabsoomida shirka Afasiyooni

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaca ka dhigay in xalay ciidamo ka tirsan dowladda in ay soo weerareen goobta uu wafdigiisa ka degay magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Deni oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa daaha ka rogay in ciidamadaas ay yihiin kuwii fuliyey weerarkii lagu qaadey Hotel Maa'ida iyo Banaanbaxyaasha 19-kii Febraayo, 2021.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Deni ayaa su'aal geliyey in ay ka qeybgalayaan shirka uu madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo u muddeeyay 22-ka Maarso oo ku beegan maalinta berri.

"Shirka berri furmayo ilaa hadda wax rasmi oo aan ognahay oo hadda u fadhino ma jirto, balse waxaa taas ka sii daran, maxaaba shir laga qeyb galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay AMISOM tiri anagaa amnigeeda sugeeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febaraayo lagu weeraray Maa'ida iyo mudaaharaadyadda nabadeed," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waxaan rabaa in aan u sheego caalamka in dalka uu xaalad khatar ah uu ku jiro oo loo baahan yahay. Madaxweynaha xilkiisa dhamaadey waxaad moodaa caqligii milatariga waddanka ka tagay ku jiray in uu hadda acting gareynaayo".

Hogaamiyaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in arrimaha doorashada laga hadli karo oo "kaliya marka laga heshiiyo amniga iyo sida ciidamada Soomaaliya loo maamulayo".

"Dalkan hadii ciidamadda ay dad gaar ah yeeshaan hadda dalka waa wada ciidan dadka waa wada hubeysan yahay khatar amni ayaana dhici doonta. Marka waxaan ka digayaa in ciidamadda qaranka arrimo siyaasadeed oo gaarka ah loo isticmaalo," ayuu xusay.

Xilli uu gaashaanka ku dhuftay in doodooda in kalka hore laga heshiiyo amniga ay carqalad ku tahay wadahadalka xalka loogu raadinayo khilaafka doorashada, Deni ayaa madaxda waqtiga ka dhamaadey ay yihiin cidda wada ogolka diidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM