DF iyo musharaxiinta oo isku qabtay goobta banaanbaxa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyaddoo mabda' ahaan ay isla meeldhigeen in banaanbaxa uu ku qabsoomo jawi nabdoon, haddana Musharaxiinta iyo Xukuumadda Soomaaliya ee waqtiga ka dhamaadey ayaa isku qabtay goobta uu ka dhacayo mudaaharaadkaas loo balansan yahay Sabtida.

Xukuumadda oo cuskaneysa sababo ammaaan ayaa soo jeedisay in isu-soo-baxa uu ka dhaco garoonka kubada cagta Eng Yariisow. Balse, waxaa dalabkaas ku gacan-seyray musharaxiinta oo ku adkeysatay in ay ku qabanayaan barxadda Daljirka Daahsoon ee magaalada caasimada ah.

Dooddan adag ayaa dhinacyadda waxay ku dhexmartay wadahadalo dheer oo ay yeesheen gelinkii dambe ee Arbacadii shalay ahayd.

Markii looga adkaadey dooda, xukuumadda xil-sii-gaarsiinta oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa dalab u dirtay qaban-qaabiyeyaasha.

"Ku adkeeya banaabaxayaasha in ay soo qaataan af-xirka iyo kala fogaanshiyaha," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Midowga Musharaxiinta iyo Xukuumadda waqtiga ka dhacay ayaa dhowaan ku heshiiyey in banaanbaxa oo lagu dalbanayo in doorashooyinka ay ku qabsoomaan qaab daahfuran isla markaana loo-dhan-yahay.

Mudaaharaadka ayaa la filayaa in ay ka hadlaan Musharaxiinta isla markaana ay hadaljeedintooda diiradda ku saaraan mar-xaladda kala guurka ee waddanka ku jiro iyo talaabooyinka ay tahay in la qaado si looga gudbo isgoyskan iyadda oo la ilaalinayo xasiloonida iyo horumarka dowladnimadda.

Hoos ka akhriso qoraalka musharaxiinta

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM