DF Soomaaliya oo ka falcelisay hadalkii Erdogan ee shidaal sahminta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka gaabsatay in ay xaqiijiso ama beeniso hadal kasoo yeeray madaxweynaha Turkiga oo ahaa in Muqdisho ay ku casuuntay in shidaal sahmin ay ka bilaabaan Badweynta Hindiya.

Wasiirka batroolka, Cabdirashiid Maxamed, ayaa sheegay in aan la gaarin xilliggii la gudo geli lahaa howlaha sahminta shidaalka isla markaasna ay weli qabyo yihiin qorsheyaal loo bahaan yahay in la dhameystiro.

Hadalkaan waxaa wasiirka kasoo xigatay warbaahinta ku hadasha afka dowladda gaar ahaan Wakaalada wararka Qaranka ee SONNA.

Wasiirka ayaa wakaaladda u sheegay "dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga waxaa naga dhaxeeyo xiriir wax wax wada qabsi ah".

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ku nuux-nuux saday in howsha batroolka ay ahaan doonto mid daahfuran.

Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan ayaa shaaciyey in caasuumaad rasmi ah ay ka heleen dowladda Soomaaliya taasoo ku aaddan in Turkiga uu sahmin shidaal ka sameeyo Badweynta Hindiya inta ay ka leedahay Soomaaliya.

Sidda sheegtay wasaaradda batroolka Soomaaliya, illaa iyo 15 xirmo shidaal ayaa diyaar ah in la maalgeliyo si looga soo saaro saliid.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka leh kheyraadka ugu badan ee dhanka badda balse aanan uga faa'iideysan sidii loo baahnaa, hase ahaatee, dowladihii talada waddanka isaga kala dambeeyay ay dedaal badan geliyeen sidii loosoo saari lahaa saliida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM