DF Soomaaliya oo Shariif Xasan ka saxiixatey iney maamusho doorashada KG

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Kadib markii Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan uu is-casiley maalintii shaley  November 7, 2018 ayaa qoraal uu soo saarey waxaa uu ku ogolaadey in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay maamusho doorashada maamulkan magaalo madaxdiisa KMG ah tahay Baydhabo.

Shariif ayaa qoralakiisa oo ku taarikheysanaa 7-dii November, 2018 ku sheegay inuu xilkii maamulkaas iska casiley islamarkaana ka harey doorashadii la qorshanyo in la qabto 17-ka bishan kadib markii uu arkey xaaladaha ka dhexjira Dowlada Federalka ah iyo Koonfur Galbeed isagoo u turaya dalka.

Qodobka kale ee muhiim ah ee ku xusan qoraalka Shariif Xasan xilka isaga casiley ayaa muran ka dhaliyey maamulka Koonfur Galbeed islamarkaana ay diideen musharaxiinta aan tageerada ka haysan Villa Soomaaliya.

Arintaan ayaa hoosta ka xariiqaysa in Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay qayb ka ahaato maamulista doorashada la filayo iney maamulkaas ka dhacdo.

Warsidaha Garowe Online oo isku dayey inuu wax ka ogaado sababta qoraalka Shariif Xasan ugu darey qodobkaan ayaa fahansan in Dowlada Federaalka dalabkeeda ku yimid islamarkaana uu jiro is-fahan dhexmarey Madaxweynaha is-casiley iyo Villa Somalia.

Dowlada Federaalka ayaa aad ugu mashquulsan tahay in faragalin ku sameyso maamulada doorashada ka dhaceyso si ay xilka u qabtaan madax tageersan siyaasadooda ku aadan nidaamka Federaalka iyo qaabka ay rabaan inuu dalka Soomaaliya uga shaqeeyo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Warbixinno uu Trump ka Sheegay Iran oo Sirdoonka Mareykanka Shaki Geliyey

Afhayeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa difaacday hadalka madaxweynaha, iyadoo…

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 11:01PM

Muqdisho oo looga dhawaaqay shir Soomaaliya looga badbaadinayo firaaq dastuuri ah

War-murtiyeed ka soo baxay shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 10:45PM