DF Soomaaliya oo tageerada kala noqotey musharaxnimada Mukhtar Roobow [AKHRI]

Image

MUQDISHO - Kadib markii maalintii shaley October 4,2018 tartanka doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed isu soo taagey mid kamid ah hogaamiye-yaashii ururka Al-Shabaab ayaa dowlada Federaalaka waxay soo saartey qoraal ay kaga hor-istaageyso Mukhtar Robow inuu xilkaan isu soo taago.

Saxaafada Dowlada Federaalka oo ka hadashay musharaxnimada Mukhtar Roobow markii uu maalintii shaley ka dagayey garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, iyadoo muqaalkiisa lagu baahiyey Talefishinka Qaranka SNTV ayaa qoraal ku taarikheysnaa 4 October, 2018 ee kasoo baxay xafiiska Wasiirka amniga lagu sheegey in hogaamiyihii hore ee Al- shabaab uusan buuxin shuruudihii lagaga qaadey dhamaan cunaqabteyntii saarneyd.

" Wasaarada amniga iyadoo tixraaceysa heshiisyada ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, tixgalineysana xuquuqda muwaadinku u leeyahay inuu xil isu soo taago waxay cadeyneysa in Mukhtar Roobow ( Abu Mansuur) buuxin, fulinta shuruudihii lagaga qaadayey cunaqabateynta, welina ay saaran yihiin cunaqabteyntii dowladaha caalamku saareen.Taasina ay ka reebeyso tartanka doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed." sidaa waxaa lagu sheegey qoraal kasoo baxay Wasaarada amniga dowlada Federaalka Soomaaliya.

Qoraalka Wasaarada ayaa yimid kadib markii maalintii shalay baraha bulshada iyo qaar ka tirsan mucaaradka dowlada cambaareeyeen talaabada Mukhtaar Roobow isugu soo taagey taratanka doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyadoo dhinaca kale dowlada Federaalka ku yimid cadaadis beesha caalamka ah.

Mukhtar Roobow oo ka tirsanaa asaasayaashii ururka Al-shabaab ayaa sida la rumeysan yahay dhiirigalin ka haystey saraakiil sare oo ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya isagoo bilihii lasoo dhaafey wadey olole uu isugu diyaarinayo ka qayb galka doorashadaan. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM