DF Soomaaliya oo tageerada kala noqotey musharaxnimada Mukhtar Roobow [AKHRI]

Image

MUQDISHO - Kadib markii maalintii shaley October 4,2018 tartanka doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed isu soo taagey mid kamid ah hogaamiye-yaashii ururka Al-Shabaab ayaa dowlada Federaalaka waxay soo saartey qoraal ay kaga hor-istaageyso Mukhtar Robow inuu xilkaan isu soo taago.

Saxaafada Dowlada Federaalka oo ka hadashay musharaxnimada Mukhtar Roobow markii uu maalintii shaley ka dagayey garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, iyadoo muqaalkiisa lagu baahiyey Talefishinka Qaranka SNTV ayaa qoraal ku taarikheysnaa 4 October, 2018 ee kasoo baxay xafiiska Wasiirka amniga lagu sheegey in hogaamiyihii hore ee Al- shabaab uusan buuxin shuruudihii lagaga qaadey dhamaan cunaqabteyntii saarneyd.

" Wasaarada amniga iyadoo tixraaceysa heshiisyada ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, tixgalineysana xuquuqda muwaadinku u leeyahay inuu xil isu soo taago waxay cadeyneysa in Mukhtar Roobow ( Abu Mansuur) buuxin, fulinta shuruudihii lagaga qaadayey cunaqabateynta, welina ay saaran yihiin cunaqabteyntii dowladaha caalamku saareen.Taasina ay ka reebeyso tartanka doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed." sidaa waxaa lagu sheegey qoraal kasoo baxay Wasaarada amniga dowlada Federaalka Soomaaliya.

Qoraalka Wasaarada ayaa yimid kadib markii maalintii shalay baraha bulshada iyo qaar ka tirsan mucaaradka dowlada cambaareeyeen talaabada Mukhtaar Roobow isugu soo taagey taratanka doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyadoo dhinaca kale dowlada Federaalka ku yimid cadaadis beesha caalamka ah.

Mukhtar Roobow oo ka tirsanaa asaasayaashii ururka Al-shabaab ayaa sida la rumeysan yahay dhiirigalin ka haystey saraakiil sare oo ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya isagoo bilihii lasoo dhaafey wadey olole uu isugu diyaarinayo ka qayb galka doorashadaan. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gudoomiyah Baydhabo oo lagu soo rogay Xabsi Guri xili xiisad ka jirto Koonfur Galbeed

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladda faahfaahin dheeraad ah ka bixiso xaaladda sharciga ah ee guddoomiye Watiin.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 01:27PM

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM