Dhageysiga dacwda badda Soomaaliya iyo Kenya oo bilaabatay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dhageysiga dacwadda badda wadamadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa Isniinta maanta ah ka bilaabatay xarunta Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee Hague ee waddanka Holland.

Kenya ayaa ka maqan fadhigan oo ah kii ugu dambeeyay oo ICJ ay ka yeelato gal-dacwadeedkan aadka isha loogu hayo isla markaana kadib uu bixi doono go'aanka ugu dambeeya ee kiiskan.

Madaxweynaha maxkamadda cadaaladda aduunka ICJ ee Joan Donoghue ayaa diidey dalabkii shalay ka yimid Kenya ee ahaa in loo ogolaado in ay hadasho 30 daqiiqo kahor hadaljeedinta Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] oo kamid ah guddiga Soomaaliya ku metelaya dood afeedka kiiskan, ayaa jeediyey khudbadda Soomaaliya.

Intii ay socotay hadaljeedinta, Mahdi ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta Kenya in ay isku dayeen marin-habaabinta dooda Soomaaliya ee kiiskan soo bilowday bishii August ee sanadkii 2014-tii.

Mahdi ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay kalsooni buuxda ku qabto in ICJ ay "go'aan cadaalad ah" kasoo saari doonto dacwadan. Xukunka wuxuu soo bixi doonaa ugu yaraan 6-7 bil kadib.

Dhageysiga maanta bilowdayoo ku kooban dood afeed ay dhinacyadda kusoo bandhigayaan caddeymaha doodooda ayaa wuxuu socon doona illaa 19-ka bishan Maarso ee sanadkan aan ku jirno ee 2021-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM