Dhamaystirka doorashada Soomaaliya oo laga hadlay

Image
Hada mudadii loo qabtay in doorashada lagu soo gabangabeeyo waxaa ka harsan 15 maalin

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Wadatashiga Qaran ee hoggaamiyo Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta ah ayaa kulan deg deg ka yeeshay dedejinta dooorashada golaha shacabka uun kadib markii Mareykanka ku hanjabay in uu xayiraad la saarayo mas’uuliyiin Soomaali ah oo ka masuul ah dib u dhaca codaynta oo loo qabtay 25 Februry 2022.

Kulanka oo ay Golaha Wadatashiga Qaranku ku yeesheen habka fogaan aragga, ayaa looga hadlay dhammeystirka howlaha doorashooyinka, xaaladda amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Faah-faahinta intaas dheer lagama bixin kulanka, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in  golaha ay isku dayayaan in ay doorashada Golaha Shacabka dhammeeyaan kahor 25-ka Febraayo, oo ah muddada uu u qabtay Mareykanka, taasi oo ay naga xigto kaliya 15 maalmood.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa Talaadadii ku dhowaaqay soo saarista xayiraado Visa oo ka dhan ah shakhsiyaad hadda xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya, oo lagu eedeeyey inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “Maanta, ayada oo ay ku beegan tahay sanad-guuradii koowaad ee marka uu muddo xileedka ka dhammaaday madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ku dhowaaqayaa fulinta xeerka Socdaalka Qaranka qeybtiisa 212(a)(3)(C), kaasi oo diidaya in Visa la siiyo shakhsiyaad xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.”

Blinken ma shaacin magcayada shakhsiyaadkan lagu beegsaday siyaasaddan.

Mareykanka ayaa horey u sheegay inuu xayiraado la beegsan doono madaxda Soomaaliya haddii aan doorashada lagu dhameyn kahor 25-ka Febraayo, waxaana laga cabsi qabaa inuu soo rogo kuwa cusub

Hada mudadii loo qabtay in doorashada lagu soo gabangabeeyo waxaa ka harsan 15 maalin iyada oo 40-kii maalin ee loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka aan weli saddex meel labo meel aan la gaarin, tan ayaa ka dhigan in illaa iyo hada la doortay 110 Xildhibaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Laftagareen oo UN-ka kala shiray xaalka Golaha Wadatashiga Qaranka

Kulanka golaha wadatashiga qaranka ayaa baaqdey bishii hore kadib is-faham la'aan dhanka ajendaha ah.

  • Soomaliya

    02-05-2024

  • 11:08AM

Soomaaliya iyo Turkiga oo ku heshiiyay is-dhaafsiga maxaabiista

Golaha Wasiirada ayaa Khamiista maanta ah meelmariyay heshiiskan oo ka kooban afar qeybood.

  • Soomaliya

    02-05-2024

  • 09:14AM