Dhimasho ka dhalatay Miino haleeshay gaari ay la socdeen rayid

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay tirro kale oo lamid ahna way ku dhaawacmeen markii gaari nooca loo yaqaano Dheyno ay miino ku haleeshay gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidda ay sheegeen dadka degaanka, shaqsiyaadka dhintay oo uu ku jiro darawalka gaariga iyo kuwa dhaawacmay ayaa ahaa dad shacab ah si gaar ah ganacsato ka baayac-mushtarta iibinta Caanaha.

"Miinada waxay gaariga ka haleeshay afka hore," ayey warbaahinta maxaliga ah kasoo xigatay qof kamid ah dadka degaanka oo intaasi ku daray "Baabuurka wuxuu kasoo baxay degmada Afgooye".

Mas'uuliyiinta Koonfur Galbeed oo gobolkaasi uu hoostago ayaa tacsiyeeyay geerida, iyaga oo bukaanada u rajeeyay soo kabasho degdeg ah. "Ma caddeyn karno cidda Miinada ku aastey," ayay raaciyeen.

Lama xaqiijin karo, sidoo kale, hadii qaraxaasi uu bartilmaameed ahaa, maadaama gobolka qeybo kamid ah ay ka jirto colaad xili laga cabsi qabo in dadka ugu badan ee gaari saarnaa ay dumar ahaayeen.

Ciidamada iyo Al-Shabaab oo isku ugaarsanaya ayaa dagaalo kharaar uu ku dhex-maray mudooyinkii dambe, iyadda oo xoogaga dowladda ay la wareegeen gacan ku haynta degaano horleh.

Qaraxyadda dhulka lagu aaso oo alaaba qeybo kamid ah gobolada dalka lagu beegsado kolanyada ay la socdaan ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa xooga dalka dusha u rita mas'uuliyadooda kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM