Dib-u-dhac ku yimid shirkii hogaamiyeyaasha Soomaalida

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulankii lagu wadday in uu maanta uu Muqdisho gaar ahaan xerada Afasiyooni ku dhexmaro madaxda Soomaalida ayaa dib-u-dhac uu ku yimid, sidda ay baahisay warbaahinta dowladda.

Wakaaladda wararka Qaranka ee SONNA ayaa tabisay in dib-u-dhaca uu salka ku hayo socdaalka madaxweynaha Galmudug ugu ambabaxay magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta KMG ah ee maamulkiisa.

Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa shalay u duulay Dhuusamareeb si uu u soo cusbooneysiisto mudada dastuurka maamulkaas u ogolaanayo in uu degaanada maamulkaas ka maqnaado oo ah afartan iyo shan casho.

"Madaxda ayaa lafilayaa in shirka ay isugu soo laaban doono maalinta barri ah 7- da Bisha," ayaa lagu yiri warbixin ay SONNA ku daabacdey ciwaankeeda shaqsiga ah ee baraha bulshadda sidda Facebook-ga.

Dhanka kale, Qoorqoor ayaa lagu qeexay caqabada ugu weyn ee shirka u socda dowladda federaalka iyo maamuladda kaasoo xal loogu goobayo is-mari-waaga ka taagan qabsoomida doorashooyinka madaxtiniamda.

Illo wareedyo ku dhow kulanka Afasiyoone oo u waramay warsidaha Garowe Online waxay xuseen in Qoorqoor mar ku hanajabey Inuu ka baxayo shirka isagoo taageero u muujinaya Madaxweynaha xilkiisu dhamaadey.

Shirka Afasiyooni oo laba maalmood horey u qabsoomay ayaanan miradhalin wali. Ka qeybgaleyaashu waxay is-faham buuxa ka gaari waayeen qodobadda xudunta u ah khilaafka ee u baahan in ajandaha lagu daro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM