Dibadbax looga soo horjeedo mudo korarsiga DF oo laga hortagey

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Booliska dowladda ayaa saakay kahor tagey dibadbax ballaaran oo lagu waday inuu saakay ka dhaco Taallada Daljirka Dahsoon, ee magaaladda Muqdisho.

Ciidamada amniga dowladda ayaa goobta tagey xilli dadku ay is aruursanayeen oo banaabaxa billow yahay, waxayna ku fureen rasaas dibadbaxayaasha, iyagoo sidoo kale dil ugu hanjabey wariye iyo muuqaal-duube katirsan Universal TV oo wax duubayay.

Ujeedka banaanbaxa loo qabtay ayaa ah in shacabka ku muujiyaan inay kasoo horjeedaan mudo korarsiga dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo, taasoo ku fashilantay inay doorasho dalka ka qabato waqtigeeda, November 2020.

Waxay Cidiamada xabsiga dhigeen gudoomiyihii hore ee degmada C/casiis ee gobolka Banaadir, kaasoo ka qeybgalayay banaanbaxa ka dhanka ah dowladda Federaalka, kaasoo la sheegay inay mucaaradka soo abaabuleen, maadaama ay kasoo horjeedaan dib u dhigista doorashadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay xalinta Khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira, iyadoo maanta uu baaqdey kulan isagu ku casuumey bishii lasoo dhaafay Madaxda Maamullada, oo looga hadli lahaa arrimaha taagan, oo doorashada kamid tahay.

Shirkan fashilkiisa waxaa soo dedejiyay sharuucda la xiriirta doorashooyinka ee uu meel-mariyay Gollaha Shacabka, xilli kulankii Madaxda DF iyo Maamullada ku yeesheen Khadka Internet-ka 22-kii June lagu balamay in Baarlamaanka uu joojiyo ka doodista iyo ansixinta sharciyada muranka ka taagan, illaa la isaga imaanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM