Villa Soomaaliya oo war kasoo saartay kulankii madaxda DF iyo maamulada

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay shir ay maanta khadka Internet-ka ku yeesheen madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa maamuladda dalka.

Bayaanka Villa Soomaaliya ayaanan lagu soo bandhigin dalabka ay madaxda dowlad goboleedyadda ku gudbiyeen shirka oo ah in la hakiyo xeerarka horyaala baarlamaanka federaalka.

Xeerarkaas ayaa ku saabsan doorashooyinka aan wali lagu heshiin nooca lagu galayo ee 2020-21 isla markaana saamileyda codsanayaan heshiis mideysan laga gaaro kahor inta aan la ansixin.

Shir-madaxeedkan oo noociisa oo kale aan qabsoomin sanadihii lasoo dhaafay ayaa ka dambeeyay markii Mareykanka uu ku cadaadiyey Farmaajo in uu xaliyo khilaafka siyaasadeed ee taagan.

Hoos ka akhriso bayaanka Villa Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Amniga Qaranka oo ku qabsoomay aaladda Internetka ayaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga warbixiyey wadahadalladii Jabuuti uga furmay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Shirkan waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana lagu heshiiyey in shirkaas rasmiga ah uu degdeg u qabsoomo, iyada oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu go’aaminayo goobta iyo wakhtiga shirka.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go'an tahay adkeynta wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, taas oo muhiim u ah xaqiijinta yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee dowladnimada iyo dib u soo celinta qarannimadeena.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusuusiyey Madaxda ka qeyb galay kulankan muhiimadda wadajirka iyo in loo tanaasulo danta guud, iyada oo la ilaalinayo dowladnimadeenna oo shacabka Soomaaliyeed ay geliyeen maal iyo muruqba.

Dhankooda, Madaxda ka qeyb galay kulankan ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in la sii amba qaado qorsheyaasha dowlad dhiska iyo horumarka dalka, iyaga oo wadajir u soo dhaweeyey qorshaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee ku saleysan wadatashiga, is-ogolaanshaha iyo u tanaasulka danta guud.


Beesha Caalamka ayaa dooneysa in hogaanka dowladda federaalka iyo maamuladda si lamid ah saamileyda siyaasadda Soomaaliya ka heshiiyaan nooca doorashada soo aadan iyo in ay noqot mid loo dhan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM