Digniin laga soo saaray halista Al Shabaab ee xilliga Ramadaanka

Image
Safaaradda UK ayaa sheegtay in ay jirto khatar sare oo argagixisanimo xilliyada ciidaha.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladaha Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa qeylo dhaan ka soo saaray muwaadiniintooda ku sugan dalka Kenya, iyagoo uga digay weeraro argagixiso inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

"Marka la eego maalmaha lagu jiro basha bakaraysan ee Ramadaanka booliiska Kenya waxa ay soo sheegayaan khataro badan oo argagixisanimo bisha April ka dhici kara Kenya," ayay tiri safaaradda Faransiiska ee Kenya.

Safaaradda ayaa intaas ku dartay: "Sidaa darteed waxaa lagu talinayaa in dhammaan dadka ku sugan dalka ay muujiyaan feejignaan dheeri ah oo ay ka fogaadaan kulan kasta inta lagu jiro muddadan".

Safaaradda UK ayaa sheegtay in ay jirto khatar sare oo argagixisanimo xilliyada ciidaha.

"Inta lagu jiro muddadan, muwaadiniinta Boqortooyada Ingiriiska waxaa lagula talinayaa in ay aad u feejignaadaan," ayuu hoosta ka xariiqay.

Xafiiska Arimaha Dibada, Dawlada Dhexe iyo Xafiiska Horumarinta (FCDO) ayaa lagula taliyay dhamaan safarada lama huraan ah in ay raacaan digniinahaan.

UK ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in ay tagaan xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, Bariga Gaarisa, Degmada Mandheera, gobolka Lamu iyo Deegaannada Gobolka Tana ee waqooyiga wabiga.

Horaantii sanadkan, dowladda Kenya ayaa xoojisay howlgallada lagu carqaladeynayo qorshe kasta oo argagixisanimo oo ka dhaca dalkaasi.

Taliska Booliska ayaa dadka Kenyaanka ah u sheegay inay feejignaadaan, waxayna ka digeen in meelaha qaar ay ka dhici doonaan tallaabooyin qal-qal gelinaya ammaanka, sida waddooyinka iyo dhismayaasha waaweyn.

Baaritaanno dheeraad ah ayaa lagu sameeyay waddooyinka soo gala goobaha dadku ku badanyihiin inkastoo kooxda xiriirka la leh Al Qaacida ay wali awoodo in ay weeraro qorshaysan ka fuliso Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM