Digniin laga soo saarey nidaam xaalufinaya kheyraadka Soomaaliya

Image
Cabashooyinka la xiriira Kalluumeysiga sharci-darrada ah ayaa mudda dheer ka taagan xeebaha Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya – Kaluumaysatada degmada Xaafuun ee gobolka Bari, ayaa kacabanaya doomo sharci daro ah oo bada wax ku buufinaya bada si kaluunku banaanka ugu soo baxo taas qayb ka ah xaalufinta bada oo inta badan ay ku tiirsantahay noloshada dadka deegaanka.

Kalluumeysatada ayaa soo sheegaya in ay arkeen doonyo kalluumeysi oo qaadanaya kaluunka ka dib markii ay qaabkaan sahlan kula soo bexeen khayraadka dabiiciga ah ee badda ku jira iyaga oo ka digay sii socoshada qorshahaan lagu xaalufinayo deegaanka.

Kalluumeysatada oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay xeebta degmada Xaafuun ay buux dhaafiyeen doonyo kalluumeysi oo sharci-darro ah iyada oo baaq u diray cid walba oo kaalin ka qaadan karta si wax looga qabto xaalufinta deegaanka.

Waxay sheegeen in doonyahaas ay saaran yihiin qalab lagu buufinayo badda kaas oo kalluun badan oo wada sirirsan suuxsan ka soo saaraya gudaha badda kadibna ay si fudud doonyaha ugu rarayaan.

Cabashooyinka la xiriira Kalluumeysiga sharci-darrada ah ayaa mudda dheer ka taagan xeebaha Soomaaliya ayay cid wax ka qabaday marka la eego baaxada Kaluumiga sharci darada ah ee Soomaaliya ka socda

Xaafuun ayaa horay uga tirsanaan jirtay Gobolka Karkaar waxaase Gobolka Bari lagu daray 17 December 2020 kadib go’aan ka soo baxay golaha wasiirada Puntland oo Garoowe ku shiray.

Bishii Febraayo ee sanadkii 2020, dowladda Soomaaliya ayaa ruqsado kalluumeysi oo ku kacaya $1,025,750 waxay siisay shirkado laga leeyhay Shiinaha, kuwaas oo jilaabanaya kalluunka loo garan og-yahay tuunaha.

Isla sanadkaas warbixin kasoo baxday hay’adda Gobal Fishing Watch ayaa Soomaaliya iyo Yemen u aqoonsatay wadamada ay ka dhacaan xadgudubyadda ugu badan ee dhanka kalluumeysiga.

Tan iyo burburkii 1991-dii, waxaa lagu waramay in xeebaha kheyraadka badan ee Soomaaliya ay si sharci darro ah uga kalluumeysteen maraakiib tiradooda lagu qiyaasay inta u dhaxeysa sideed boqol illaa iyo 1,000.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si joogto ah ugu cel-celisa in ay wax ka qabaneyso dhibaatooyinkaan, balse iyaddoo aan la ahayn awood ku filan waxay sababeysaa in go’aanadeeda iyo hadalada kasoo yeera aysan dhaafsiisaneyn afka, mana jiro talaabo ay qaado, illaa haatan.

Kalluumeysatada maxalliga ah ayaa ku eedeeyey ganacsatada shisheeye ee shatiyada haysta iyo waka aan haysanba in ay carqaladeynta hab-nololeedka bulshada bulashada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa noloshoodu ku tiirsantahay kaluunka.

Laakiin iyada oo ay ugu wacan tahay awood la’aanta Dowladu ay ku ilaalinayso dhulkeeda, goboladda Puntland iyo Somaliland oo gooni isku taag ah ayaa dhankooda bixiyaan difaac dheeri ah oo looga hortagayo kaluumaysiga sharci darada ah taas oo xoogga hoos u dhigay kaluumaysiga sharci darada ah ee dalka ka socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo cashar ka baranaysa qorshaha horumarinta da’yarta ee Finland

Wasiirada Dhalinyarada labada dal ayaa yeeshay fadhi labo geesood ah kaas oo diirada lagu saarey qodobo kala duwan.

  • Soomaliya

    03-05-2024

  • 03:21AM

Shir ay ka qeybgaleen saraakiil Itoobiyaan ah oo lagu soo xiray Muqdisho

Shirkan ayaa dabo socda shir bishii Feberaayo lagu qabtay magaaalada Kismaayo.

  • Soomaliya

    03-05-2024

  • 03:14AM