Digniin loo diray Xildhibaanada aan xaadirin fadhiyada Golaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha, Senator Cabdikhani Geelle Maxamed ayaa wax laga xumaaday ku tilmaamay sida ay shalay u dhaqmeen xildhibaanada oo ay khudbado u jeediyeen musharaxiinta madaxweynaha.

Inta badan Xildhibaanada Labada Aqal ayaan shalay tegin Teendhada Afisyooni, oo musharaxiinta Madaxweynaha ay ka jeedinayeen khudbadahooda wax-qabadkooda, waxaana la arkay kuraas badna oo eber ah, halka tirade xildhibaanada tagtay aysan xitaa dhameyn 50, ayada oo xubnaha labada aqal ay yihiin 329.

Inkastoo Gudoomiyaha Guddiga Doorashada uu sheegay in illaa labaatan musharax ay shalay khudbadahooda wax-qabadka jeediyeen ayuu haddana Xildhibaanada kaga digay inaanay maantana samayn, wixii ay shalay sameeyeen oo kale.

“Kuraastani waxay u yaallaan Xildhibaanada oo loo dhigay in ay yimaadaan, waxayna musharaxiinta xaq u leeyihiin in la dhageysto,” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan Baarlamaanka xusuusiyo, waxay ahayd maalin shaqo Labada Aqalba, waxa ay ahayd waxay mushaarka ku qaadanayaan, maalin ka mida. Waxay ahayd inay fuliyaan oo ka dhabeeyaan dhaartii halkan ay ku dhaarteen. Ninkii soo xaadiri waayay cudurdaar la’aan, haku xisaabtamo, xisaabta inuu la taggi doono maanta maalin ka culus. Qof uu taageerayay iyo qof uu neceb yahay midna ma jiro, laakiin ha ilaashado sharaftiisa, shaqadiisa iyo kitaabkii uu maray.”

Khamiista manata ah ayaa waxaa hadaljeedinta u leh sagaal iyo tobanka musharax ee kale, ee u tartamaya jegada Madaxweynaha Soomaaliya.
Gudoomiyaha ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan Baarlamaanka xusuusiyo, waxay ahayd maalin shaqo Labada Aqalba, waxa ay ahayd waxay mushaarka ku qaadanayaan, maalin ka mida. Waxay ahayd inay fuliyaan oo ka dhabeeyaan dhaartii halkan ay ku dhaarteen. Ninkii soo xaadiri waayay cudurdaar la’aan, haku xisaabtamo, xisaabta inuu la taggi doono maanta maalin ka culus. Qof uu taageerayay iyo qof uu neceb yahay midna ma jiro, laakiin ha ilaashado sharaftiisa, shaqadiisa iyo kitaabkii uu maray.”

Khamiista manata ah ayaa waxaa hadaljeedinta u leh sagaal iyo tobanka musharax ee kale, ee u tartamaya jegada Madaxweynaha Soomaaliya
Maqnaanshaha xildhibaanada ayaa muujinaya inaysan wax dan ah ka laheyn inay waxqabad iyo ajende siyaasadeed ku doortaan madaxweynaha, balse taas beddelkeeda ay doorbidayaan dhaqaale ama xulufeysi siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM