Diiwaangelin lagu bilaabay askartii loo qaadey Eritrea

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Diiwaan-gelin biometric ah ayaa lagu bilaabay qeyb kamid ah ciidamaddii Soomaaliya ee tababarka sidda qarsoodiga ah loogu diray Eritrea, sidda ay xaqiijiyeen qaar kamid ah askarta oo lasoo xiriiray eheladooda.

Sidda ay muujinayaan warbixinadda, askartaas oo tiradooda saxda ah aan wali la helin ayaa qorshuhu yahay in marka ay u soo dhamaato diiwaan-gelinta ay dib ugu soo laabtaan dalka gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Lama ogga hadii soo laabashadooda ay dowladda federaalka ah si furan ugu soo bandhigi doonto warbaahinta ama in ay kusoo laaban doono qaab qarsoodi ah oo ah habkii looga dhoofiyey garoonka Aadan Cadde habeen madow.

"Waxaa jira guutooyin kale oo wali uusan u dhamaan tababarka kuwaasoo ay u badan tahay in ay sii joogaan Eritrea inta uu uga idlaanayo tababarka," ayay sheegeen qaar kamid ah askarta lasoo xiriirtay eheladooda jooga dalka.

Dhanka kale, askarta ayaa intaas ku daray in ay filanayaan in ay booqasho ugu tagaan mas'uuliyiin sar-sarre oo ka tirsan Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa la fahansan yahay in uu ugu yaraan hal jeer booqdey askartaas.

Iyaddoo dowladda aysan wali fahfaahin askarta ay sidda qarsoodiga ah tababarka ugu dirtay Eritrea, haddana waxaa hareeyay sheegashooyin ay beenisay oo ah in ay ka dagaalameen gobolka Tigray iyo su’aallo ka dhashay qaabka loo qoray.

Soo-laabashadda ciidamadan ayaa kusoo hagaageysa xilli waddanka uu ku jiro qalalaase dastuuri ah iyo xaalad cakiran oo dhanka doorashooyinka ah iyo is-mari-waa salka ku haya qaabkii coddeynta u noqon lahayd mid xalaal ah oo daahfuran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

RW Xamsa: Shidaalka dalka Soomaaliya halis ayuu ku jiraa

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah aysan hadda ka dib ahayn hadal kaliya.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:08PM

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM