Dilalka gaadmada ah oo kusoo rogaal celiyay caasimada Soomaaliya

Image
Dilkan ugu dambeeyay ayaa muujiyay walaac ku saabsan ammaanka gudaha magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya, Hanad Axmed Muuse, oo ka tirsanaa qeybta Booliska, ayaa lagu dilay afaafka hore ee gurigiisa oo ku yaala xaafadda Macallin Nuur ee degmada Dharkeenley, ee magaalada Muqdisho.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, sarkaalka ayaa waxaa toogtay ciidamo ka tirsan dowladda, inkastoo aan la ogeyn sababta ka dambeysay dilka sarkaalka.

Laamaha ammaanka dowladda ma aysan soo saarin war rasmi ah oo ku aadan dhacdadan.

Bilihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ku yaraaday falalka gacan ka hadalka ah ee ay geysanayaan ciidamada dowladda, waxaana qeyb ka ah xukunno adag oo ciidamada ay ku ridayaan dambiyada ay ka mid yihiin dil iyo dhac.

Si kastaba ha ahaatee, dilkan ugu dambeeyay ayaa muujiyay walaac ku saabsan ammaanka gudaha ee dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM