Diyaaradaha dagaalka Turkiga oo lagu arkay hawada Muqdisho

Image

Muqdisho – Diyaaradaha dagaalka F-16 ee Turkiga ayaa subaxnimadii maanta lagu arkay cirka Muqdisho, iyadoo ay sameynayeen duulimaadyo tijaabo ah, sida ay ilo-wareedyo ku dhow arrintan u sheegeen warbaahinta.

Turkiga ayaa ku leh Muqdisho saldig milateri oo weyn, kaasoo ku yaalla duleedka caasimadda, isla markaana la furay sannadkii 2017. Dhismaha saldiggan ayaa lagu qiyaasay inuu ku kacay ku dhawaad boqol milyan oo dollar, waxaana loo isticmaalaa taageerada iyo tababarka ciidamada Soomaaliya iyo sidoo kale howlgalada amniga.

Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in Turkiga uu ugu yaraan saddex diyaaradood oo dagaal u diray Soomaaliya, kuwaas oo gaaray Muqdisho Arbacadii la soo dhaafay, iyagoo qayb ka ah taageerada milateri ee sii ballaaran ee Ankara u fidinayso Soomaaliya.

Duulimaadyadan tijaabada ah ayaa loo sameeyay xaqiijinta tayada diyaaradaha iyo diyaar u ahaanshahooda hawlgalada mustaqbalka, isla markaana waxaa lagu xoojinayaa awoodda difaaca Soomaaliya.

Sababta ay u yimaadeen illaa hadda lama oga, balse waxay kusoo beegantay xili Turkiga uu Maraakiib ku shidaalka baara usoo diray xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo la filayo inay ka taageeraan dhanka amniga.

Taageerada milateri ee Turkiga ay siiso Soomaaliya ayaa sidoo kale kor u qaaday tababarka ciidamada iyo sugidda ammaanka caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM