Diyaaradda Somali Airlines oo dib u howlgelin doonta dhamaadka sanadkan 33 sano kadib

Image

Muqdisho, 27 Oktoobar 2025 — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in diyaaraddii qaranka ee Somali Airlines dib loogu soo celinayo hawada gudaha iyo dibadda dalka, ka hor dhammaadka sanadkan 2025, taasoo noqonaysa markii ugu horreysay tan iyo burburkii dowladdii dhexe 33 sano ka hor.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Faarax Nuux, ayaa sheegay in diyaaradda iyo qalabkii lagama maarmaanka u ahaa hawlgelinteeda ay hadda diyaar yihiin, islamarkaana la filayo in si rasmi ah loo bilaabo duulimaadyada dhowaan.

“Waxaan doonayaa inaan shacabka Soomaaliyeed u sheego war farxad leh — in diyaaraddii qaranka ee Somali Airlines ay si rasmi ah u bilaabi doonto duulimaadyo ka hor inta aanu dhammaan sanadkan,” ayuu yiri Wasiir Nuux oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho.

Somali Airlines, oo ahayd astaanta duulista Soomaaliya, ayaa shaqadeeda joojisay sanadkii 1991 markii uu burburay dowladdii dhexe. Tan iyo markaas, dowladda Soomaaliya waxay ku howlanayd dib u dhiska hay’adihii muhiimka ahaa ee qaranka, waxaana dib u howlgelinta diyaaraddan loo arkaa guul taariikhi ah.

Wasiir Nuux ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay qorshayaal ballaaran oo lagu horumarinayo Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho iyo garoomo kale oo ku yaalla gobollada dalka. Wuxuu sheegay in dalka ay ka jiraan 72 garoon, kuwaas oo badankood u baahan dayactir iyo casriyeyn.

“Waxaan rabnaa inaan adduunka tusno in garoomadeennu ay yihiin kuwo ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo. Haddii aanan weli gaari karin heerka dalalka horumaray, ugu yaraan waa inaan la simnaanaa garoomada dalalka deriska ah. Hadda 15 garoon ayaa dayactir lagu wadaa, qaarna waa lagu dhameystiray,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Nuux ayaa ugu baaqay shacabka iyo siyaasiyiinta inay dhowraan nidaamka iyo xeerarka garoomada, isagoo xusay in amniga iyo kala dambeyntu ay muhiim u yihiin sumcadda duulista Soomaaliya.

Dib u howlgelinta Somali Airlines ayaa calaamad u ah dadaalka dowladda ee lagu xoojinayo dib u dhiska kaabayaasha duulista iyo soo celinta sumcadda qaranka ee duulimaadyada caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Itoobiya oo wadahadallo yeeshay si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah

Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

  • Soomaliya

    27-10-2025

  • 06:33AM

Dagaal culus oo ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Bay [Fahfaahin]

Wararka deegaanka ayaa tilmaamaya in beelaha dagaallamaya ay yihiin Geeledle iyo Dabarre, oo labaduba ku nool gudaha iyo agagaarka degmada Diinsoor.

  • Soomaliya

    26-10-2025

  • 12:45PM