Diyaarado duqeyn ka fuliyay duleedka Kismaayo [Fahfaahin]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Diyaarado dagaal ayaa weerar dhanka cirka ah ka fuliyey saacadihii lasoo dhaafey degaanka Janaay Cabdalla, oo qiyaastii 40 KM ujira magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Saraakiisha ciidanka xooga Soomaaliya ee ku sugan gobolka ayaa sheegay in duqaynta oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka lagu dilay 11 kamid ah dagalamayaasha xoogaga Al-Shabaab.

Xubnaha lagu diley duqaynta ayuu sheegay Taliska ciidanka xooga ee gobolka inay ku jiraan saraakiil, inkasta oo uusan shaacin magacyadda Horjoogayaasha lagu khaarijiyey duqaynta.

Weerarka cirka ah kadib, ciidamada xooga, oo ay wehliyaan kuwa maamulka Jubbaland ayaa tegay meesha ay ka dhacdey duqaynta, iyaga oo kasoo qaadey muuqaalo iyo sawirro.

Ma jiro war rasmi ah oo ay Al-Shabaab kasoo saartey hadalka kasoo baxay Taliska ciidamada Soomaaliya.

Duqayntaan ayaa kusoo aadeysa xili dhowaan weerar noocaan ah oo aanan la ogeyn cida fulisay oo ka dhacay magaalada Sakow ee gobolka Jubada Dhexe lagu diley saddex caruur ah, laguna burburiyey Dugsi Quraan iyo Isbitaalka guud ee magaalada.

Mareykanka ayaa iska fogeeyay inuu isaga fuliyey duqayntaasi, xili dowlada Soomaaliya ay sheegtey in weerarka ku dishey dagaalamayaal Al-Shabaab ah, oo uu ku jiro Xasan Yacquub oo ah sarkaal sarre, laakiin ay beenisay warkaasi Kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM