Diyaarado Duqeyn ku burburiyay Isbitaal iyo Dugsi ku yaalla Saakow [Khasaaraha]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

SAAKOW, Soomaaliya - Fahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa duqeyn dhanka cirka ah oo xalay saqdii dhexe ka dhacay degmad Saakow, ee gobolka Jubbada Dhexe, oo kamid ah meelaha ay ku xoog badan tahay kooxda Al-Shabaab.

Mas'uul katirsan Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, ayaa sheegay in duqeynta lagu dhaawacay Xasan Yacquub, oo kamid ah hogaamiye-yaasha sare ee Al Shabaab, islamarkaana lagu dilay labo xubnood oo kale, oo uusan magacyadooda sheegin.

Xasan Yacquub, hogaamiye katirsan Al Shabaab

Dhanka kale, Xasan Yacquub oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka Al Shabaab ayaa beeniyay inuu ku dhaawacmey weerarka cirka, kaasoo la sheegay inay ku dhinteen saddex carruur ah, kadib markii gantaal uu ku dhacay Dugsi qur'aan ay ka baranayeen.

Sawirro lasoo dhigay baraha Internet-ka Al-Shabaab ku leedahay ayaa lagu soo bandhigay meydadka saddex caruur ah, iyo burbur xoog leh oo gaarey dhismooyin la sheegay inay yihiin Isbitaalka guud ee degmada Saakow iyo Dugsi.

Wali lama oga dalka laga leeyahay diyaaradaha duqeeyay Saakow, balse inta badan waxaa dalka weerarada noocan ah ka geysta dowladaha Mareykanka iyo Kenya, oo diyaarado ku ugaarsada hogaamiye-yaasha Al Shabaab.

Hogaamiyihii Al-Shabaab, Axmed Godane ayaa Mareykanka ku dilay duleedka degmada Baraawe, ee gobolka Shabeellaha Hoose 1-dii September, 2014, kadib markii Gaari uu la socday ay gantaal ku burburisay diyaarad Drone ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM

Ra'iisul Wasaare Xamse oo booqasho ku tagaya waddanka Kenya

Socdaalkan ayaa imaanaya xilli uu Nairobi ka socdo shirka 3-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 04:55AM