Dood ka taagan maalgelinta howlgalka cusub AU ee Soomaaliya

Image
Golaha Ammaanka ayaa illaa 31 December 2024 waxa uu muddo xileedka u dheereeyay ATMIS.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa galabta waxa uu ogolaaday qaraar ay keentay dowladda Ingiriiska kaasoo waqtiga loogu kordhiyay ATMIS illaa 31 December 2024.

Ciidanka ATMIS oo ay ku jirto Itoobiya ayaa sii joogi doona illaa dhammaadka sannadkan. Tirada loo ogol yahay waa 12,626 oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah. 

Hawlgalka cusub ee AUSSOM oo bedeli doona ATMIS ayaa la filayaa inuu bilawdo January 2025, sidda u meelmariyay Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika todobaadkii lasoo dhaafay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay dood xooggan ka taagan tahay lacagta lagu maalgalin doono howlgalka cusub iyo halka ay ka imaan doonto.

Waddamada ayaa isku-khilaafsan. Qaar ayaa doonaya in dalalka taageeri jiray ATMIS ay sidoo kale taageeraan AUSSOM balse aragtidan waxaa dood ka qaba Amerikaanka.

Sidoo kale, waxay dood culus ka jirtaa waddamada ka qeybgali doona hawlgalka cusub AUSSOM.Masar iyo Jabuuti ayaa si degdeg ah u muujiyay diyaar yihiin.

Hase ahaatee, waxaa si xooggan ay dowladda Soomaaliya uga soo horjeedaa Itoobiya taasoo doonaysa in dalkan gabi ahaanba laga reebo hawlgaka AUSSOM. 

Balse, China iyo Russia ayaa si weyn ugu ololaynaya in wadamada hadda ku jira ATMIS ay go'aan ku yeeshaan qaabka loo qeybsan doono ciidamada lagu soo dari doono AUSSOM si xiisada loo qaboojiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM