Doorashada hogaanka Labada Aqal "waa in lagu qabto Afasiyooni"

Image
Doorashadda guddoonka Golaha Shacabka ayaa loo balansan yahay 27-da bishan April. Photo: Mohamed Maax

MUQDISHO, Soomaaliya - Khudbadaha iyo doorashada guddoonka labada Aqal iyo ku xigeennadooda waa in lagu qabtaa Teendhada Afisyoone, sidda uu cod dheer ugu baaqay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa soojeedintan wuxuu u cuksadey qorshaha curyaaminta doorashadda ee ay maleegeyso Villa Soomaaliya.

Warsame oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa sheegay in hoobiyihii maanta lagu garaacay dhismaha Golaha Shacabka uusan ahayn "mid laga soo gannay meel fog".

"Wuxuu Alle maanta naga samata bixiyey hoobiye lagu garaacay xarunta Golaha Shacabka, waxaa ku dhaawacmay dad badan oo ay labo ka mid ah ilaaladayda gaar ah yihiin," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan Alle uga baryayaa caafimaad degdeg ah iyaga iyo inta kale ee dhaawaca ah. Hoobiyuhu uma muuqan mid meel fog ka yimid, wuxuuna qayb ka yahay qalqal gelinta amniga iyo isku dayga dib loogu dhigayo doorashada".

"Hadda ka dib waa in kulamada, khudbadaha iyo doorashada Guddoonka Labada Aqal iyo ku xigeennadooda lagu qabtaa Teendhada Afisyoone, si aan dib looga dhicin doorashada," ayuu kusoo xiray hadalka.

Doorashadda guddoonka Golaha Shacabka ayaa loo balansan yahay 27-da bishan April. Inta illaa haatan la og-yahay, saddex musharax ayaa u taagan xilka afhayeenka Aqalka Hoose kuwaasoo horey u shaaciyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM