Doorashada kuraas Aqalka Hoose oo ka dhaceysa Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Guddiga doorashada ee heer Dowlad-goboleed ee Jubbaland ayaa maanta oo Arbaco ah magaaladda Kismaayo ku qabanay doorashada sadex kursi oo kala ah HOP#118, HOP#126 & HOP#127 sida ku cad bayaan uu soo saaray guddigu.

Ergada dooraneysa Xildhibaannadaan waxa ay qaateen Tababar la xiriira sida ay wax u dooranayaan, shuruudaha laga rabo in ay fuliyaan iyo isu diyaarinta kala xulashada musharaxa codkooda ay siinayaan.

HOP#118: waxaa Baarlamaanka 10aad ku fadhiyay Saqar Ibraahim Cabdalla, waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah: Yuusuf Maxamed Ismaaciil iyo Cumar Maxamed Cumar SEIT Jubbaland ka qaatay shahaada musharaxnimo.

HOP#126: Maxamed Xasan Idiris (Ganeey) ayaa Jubbaland ku metalay Baarlamaankii 10aad, balse waxaa isu diiwaangeliyay in ay u tartamaan Wasiirka Gaadiidka DG Koofur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Eeley) & Cabdiraxmaan Macalin Xuseen.

HOP#127: Cali Cismaan Xirsi ayaa xubin Baarlamaan ku ahaa Baarlamaankii 10aad, waxaa isu diiwaangeliyay Musharaxixiinta kala ah, Cabdiqaadir Cabdullahi Xirsi iyo Dr. Axmed Aadan Axmed.

Jubaland ayaa horay u qabatay codaynta dhowr kursi iyada oo Doorashooyinkaan la rabo in ugu dambeyn lagu soo gabagabeeyo 25ka Febaraayo 2022.

Dad badan ayaa aaminsan in doorashada  socota ay tahay midii ugu musuq-maasuqa badnayd dhamaan doorashooyinkii soo dhacayay, maadaama lagu jaangooyay go’aan siyaasi ah, islamarkaana aan lagu saleyn dastuur iyo nidaam u degsan dalka.

Si kastaba, waxaa isha lagu wada hayaa sawir u yeelan doono baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM