Doorashada Madoobe oo fariin cabsi ah u dirtay Farmaajo

Image
Doorashada afhayeennada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo dowladda cusub.

MUQDISHO, Soomaaliya – Saacadihii hore ee khamiista maanta ah waxaa magaaladda Muqdisho loogu doortay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Adan Maxamed Nuur (Adan Madoobe), kadib markii uu helay 163 cod, halka xildhibaan Xasan Cabdinuur oo ay isugu soo hareen wareegga labaad uu helay 89 cod.

Guusha Aadan Madoobe oo la sii saadilinayay ayaa madaxa ka xanuunjinaysa madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xilkaan la raadinaayay Xasan Cabdinuur oo ay yihiin xulufo siyaasadeed.

Aadan Madoobe oo ah siyaasi mucaarad ah oo caan ah iyo Xoghayihii Guud ee Urur-siyaasadeedka Himilo Qaran ayaa ka mid ah dadka sida wayn u naqdiyo maamulka madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday oo dalka u horseeday khilaaf siyaasadeed iyo mid amni.

Inkastoo wareegii 1aad ee doorashada codadku kala qaybsanaayeen, wareegii labaad ee doorashada ayaa mucaaradku weerar aan loo kala harin waxa ay ku qaadeen Villa Somalia iyo musharixii ay wadatay si dalka looga saaro xaalada halista ah. Taas ayaa la fahamsanyahay in ay horseeday guusha Aadan Madoobe.

Guusha Aadan Madoobe ayaa lagu sifeeyay “Dharbaaxyo xooggan” oo ku dhacday kooxa Farmaajo oo hogaanka dalka haysay 5 sano ee la soo dhaafay, taas oo xildhibaanada dhaxalsiisay in ay iska diidaan damaca Farmaajo.

Doorshadii xalay lagu kala adkaaday ayaa la fahamsanyahay in ay soo bandhigtay in ay gaarsiisantahay awooda kooxda Farmaajo oo kaashanaysa madaxda Koofur Galbeed iyo Galmudug oo xulufo siyaasadeed la ah Villa Somalia.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasada ayaa ku doodaya in tartankii xalay fariin cabsi galin uu u diray madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo siyaasiyiinta doonaya in ay la sii joogaan.

Aadan Madoobe ayaa ka tirsanaa dhinaca mucaaradka, sida ay falanqeeyayaashu qabaanna taasi u sahashay in mucaaradkii u dhami u wada tanaasulo oo sidaa cod tiro ah ugu guulaysto guddoonka Golaha Shacabka.

Doorashada Guddoomiyaha ayaa soo dhamaatay 2:30 habeenimo, wakhtiga magaalada Muqdisho, waxaana la soo xiray fadhigii golaha shacabka iyada oo maalinta oo khamis loo ballamay in la sii ambaqaado doorashada guddoomiye ku xigeenada.

Farnaajo ayaa dhowr talaabo u qaaday in la baajiyo doorashada guud ee dalka si uu mudo dheeri ah u siijoogo xafiiska isaga oo adeegsanaya laamaha amaanka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa weydiistay askarta Midowga Afrika in ay la wareegaan ilaalinta sharci-dajinta marka ay dooranayaan hoggaanka cusub, kaddib markii uu uga digay saraakiisha booliiska iyo nabadsugidda in aysan faragelin ku sameyn doorashada waqtigeeda dhaaftay.

Taliyeyaasha booliiska iyo nabadsugidda ayaa fahamsanyahay inay ku lug leeyihiin "wax isdabamarin" doorashada.

Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ayaa ka hor-yimid amarka, isagoo sheegay in ciidamada booliska ay mas’uul ka yihiin amniga, xafiiska madaxweynaha ayaa qoraal uu soo saaray goor dambe oo Talaadadii ah qoraal ku sheegay.

Subaxnimadii Arbacada, booliisku waxay isku dayeen in ay xiraan albaabka laga galo hangarka doorashada, laakiin ciidamada ammaanka ee Rooble ayaa ku amray inay baxaan, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Hangarka waxaa ilaalinayay ciidanka AMISOM iyo ciidamada Ra'iisul Wasaare Rooble, goobjoogayaasha ayaa xaqiijiyay.

Doorashada afhayeennada baarlamaanka iyo senate-ka ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo xukuumadda cusub, taasoo ay tahay in la hirgeliyo ka hor 17-ka May, waa haddii ay Soomaaliya ay doonayso taageerada miisaaniyadeed ee hay'adda lacagta adduunka ee IMF, deyn-bixiyuhu oo digniin soo saaray bishii Febraayo.

Talaadadii, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah Senator muddo dheer soo shaqeynayay, isla markaana dhaliili jiray Madaxweynaha, ayaa mar kale loo doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo qarax lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 06:36PM

Mareykanka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex-dilaacay taliska Danab

Washington ayaa hakisay qaar kamid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay dowladda Soomaaliya sanadkii 2017.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:39AM