DF Soomaaliya oo cambaareysay dilal ka dhacay Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Warfaafinta xukuumada federaalka ah ayaa shaaciyey in dowladdu ay cambaareyneyso dilal 14-ruux oo shacab ah loogu geystay degaanada Galmudug, todobaadkii hore.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku tilmaamtay falalka lagu beegsaday shaqsiyaadkaasi kasoo jeeda gobolada Koonfureed ee dalka "kuwa lagu kala geynayo shacabka Soomaaliyeed ee colaada la degay".

Mr Maareeye oo sii hadlay ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda oo kaashaneysa hay’addaha maamul goboleedka Galmudug ay baaritaano dhab ah ku sameyn doonto kiisaskaasi.

"Waxaanu balanqaadeynaa in cadaalada la marsiin doono dadkii dambeeyay falalkaasi ah wax aanan la aqbali karin," ayuu yiri Maareeye oo la hadlay warbaahinat ku hadasha afka dowlada.

Ugu yaraan sagaal ruux ayay maleyshiyo hubeysan toogasho wadareed habeenimadii Khamiista ugu geysatay koonfurta Gaalkacyo, dil lagu sifeeyay "mid loogu aargudayey sarkaal lagu toogtay isla xarunta gobolka Mudug".

Khamiistii, duleedka magaaladda Dhuusamareeb, caasimada maamulka Galmudug, waxaa lagu dilay afar qof oo shacab ahaa.

Mas'uuliyiinta maamulka Axmed Ducaale Xaaf illaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin dhacdooyinkaasi mana jirto cid ay laamaha amniga u soo qabteen.

Maamulka Koonfur Galbeed oo cambaareeyay falalka lagu beegsaday dadkan oo kasoo jeeda gobolada dowlad goboleedkaasi ayaa ku tartarsiiyey hogaanka Galmudug in ay wax ka qabtaan arrimahaan.

Bartilmaameedsiga dadka gobolada Koonfur Galbeed kasoo jeeda ee ku sugan degaanada Galmudug ayaa imaanaya xili magaalada Guriceel bishii hore lagu qabtay ruux is-qarxin rabay oo la sheegay in uu halkaasi kasoo jeedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Dagaal oo Ka Soo Cusboonaatay Xuduudka Itoobiya Iyo Eritrea

Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli weli ay taagan yihiin khilaafaadkii ka dhashay…

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 04:48PM

Sarkaal Sare oo Boolis ah oo Ka Badbaaday Qarax Muqdisho Ka Dhacay

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay hay’adaha ammaanka Soomaaliya wadaan dadaallo ay ku xoojinayaan amniga caasimadda.

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 11:50AM