Dowlada Soomaaliya oo codsi ka dhan ah Kenya u gudbisay Caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ayaa ka dalbatay saaxiibada caalamka in shirarka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ee ku jadwaleysan caasimada Kenya loosoo wareejiyo dal ama goobo kale.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in go’aankaan lagu meel-mariyey shirkii Golaha Wasiirada xukuumada federaalka gaar ahaan midkii qabsoomay Khamiistii lasoo dhaafay ee uu ra’iisul wasaare Khayre gudoomiyey.

Wasaaradaha ayaa la faray in dhinacyadda ay wadashaqeynta kala dhaxeyso in ay ku war-geliyaan talaabadaan, taasi oo la rumeysan yahay in ay salka ku hayso xiisada diblumaasiyadeed ee labada wadan ee deriska ah.

Sidda ku cad war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda caafimaadka, darafyada gacan-saarka la leh waxay u sheegtay in kulamada, aqoon-kororsiyada iyo dhacdooyinka kale ee Nairobi loo qorsheeyay la bedelo.

"Iyada oo la eegayo arrinta socdaalka, wasaarada masoo xaadiri doonto kulamada Nairobi. Waxaan saaxiibadeen ku dhiirogelin lahayn in ay dalka u soo raraan ama meel kale," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Is-qabqabsiga Nairobi iyo Muqdisho ayaa dalab Kenya ka imaanaya oo ah in ay Soomaaliya ka laabato dacwada ay u gudbisay maxkamada cadaalada aduunka ee damaca Kenya uga jira biyaha Soomaaliyeed.

Go'aanka xukuumada wuxuu umuuqdaa mid ay uga jawaabeyso cadaadis siyaasadeed oo uga imaanaya Kenya oo joojisay duulimaadka tooska ee Muqdisho-Nairobi, madax ku xayirtay Nairobi, beegsaneyna ganacsatada Soomaaliyeed.

Talaabada dowlada federaalka ah ayaa kusoo aadaya xili walwal dhanka amaanka ah uu ka jiro magaala madaxda wadanka oo ay ka dhacayaan falal liddi ku ah nabad-gelyada oo ay argagixisadu geysaneyso.

WAR-SAXAAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya

Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 01:54PM

Villa Somalia oo Ciidamo u dirtay Gedo oo qarka u saaran inuu dagaal ka qarxo

Xiisadda u dhaxeysa ciidamada federaalka iyo kuwa la safan Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe ahayd mid kacsan.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 11:59AM