Dowladaha Puntland iyo Galmudug oo ku heshiiyay afar qodob

Image
Labada dhinac ayaa xalay shir ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Gaalkacyo ee Puntland.

GAALKACYO, Soomaaliya - Dowladda Galmudug iyo Dowladda Puntland ayaa xalay shir ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Gaalkacyo ee Puntland.

Shirkaasi waxaa si wadajir ah u guddoomiyeen Madaxweynaha
Dowladaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni yo Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye(Qoorqoor).

Kulankan aya ku saabsanaa iskaashiga labada Dowladood ee dhinacyada Amniga, Nabadeynta, Ganacsiga, isu socodka dadka iyo horurmarka.

Labada Dowladood ayaa isla gaaray:

Xoojinta iskaashiga amniga, nabadeynta, ganacsiga, dhaqaalaha iyo isdhexgalka bulshada ee Puntland yo Galmudug.

Qabaahadda kulammo heer Wasiirro ah o saddex biloodle ah, si loo xaqiijiyo miro dhalka dedaalladii socdey.

In mashaariic horumarineed laga hirgeliyo deegaannada ay colaaduhu saameeyeen si bulshadu u soo kabato.

In laba Dowladood ay si wada jira ah daraasad midaysan uga sameeyaan maareynta biya-saarista degmada Gaalkacyo.



GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM