Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo heshiis horleh kala saxiixdey

Image
Iskaashigan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah Soomaaliya oo sii xoojineysa dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal iyo horumarinta difaaca, ayaa Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Turkiga Yaşar Güler waxay ku kala saxiixdeen heshiis iskaashi maaliyadeed oo diiradda lagu saarayo iskaashiga difaaca.

Heshiiskan taariikhiga ah ayaa ujeedadiisu tahay xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, kobcinta iskaashi faa'iido u leh labada dhinac, waxaana heshiiskan lagu kala saxiixday kulan heer sare ah oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan labada dowladood, iyadoo heshiiskan lagu soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Turkiga inay Soomaaliya ka taageeraan dib u soo kabashada iyo dadaallada horumarineed ee socda.

Iskaashigan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah Soomaaliya oo sii xoojineysa dib u dhiska Ciidankeeda, kadib sannado badan oo colaado iyo xasillooni darro ah.

Sida ku cad heshiiska, Turkiga wuxuu bixin doonaa kaalmo dhaqaale oo loogu talagalay mashaariicda horumarineed ee muhiimka ah ee militariga Soomaaliya, taas oo ka mid ah maalgelinta kaabayaasha muhiimka ah, kuwaas oo lagama maarmaan u ah kor u qaadista tayada Ciidanka Xoogga Dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM